SO | EN

Xasan Sheekh oo 8 bilood ku isticmaalay malaayiin doolar ‘oo aan la xisaab celin’

|

Muqdisho (Kaab TV) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya eedeyn culus oo la xiriirta lacag malaayiin doolar oo isticmaalay taasoo illaa hadda aan laga sameynin wax xisaab celin  ah, sida Kaab TV kasoo xigtay ilo wareedyo Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

Madaxweynaha ayaa muddo 8 bilood ah ku kharash gareeyay illaa $27 milyan taasoo la sheegayo inuu si shakhsi ah u isticmaalay.

Il wareedyada ka tirsan xafiiska hay’adda IMF u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegaya in hay’adda IMF ay dhowaan ka dalbatay madaxweynaha inuu soo caddeeyo sida uu lacagahan u isticmaalay.

Hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa kor joogteyn ku sameeya hannaanka maamulka maaliyadda ee dalka taasoo qeyb ka ah qorshaha weli socda ee deyn cafinta Soomaaliya.

Bishii Maarso ee sannadkan 2023 waxay IMF shaacisay in inkasta oo ay horeba Soomaaliya ay ugu jirtay dhibaato deyn oo aad u daran, haddana dalka Soomaaliya weli xaq uma yeelan doono in si buuxda looga cafiyo deynta si dhammaystiran illaa ay dowladda Soomaaliya ka muujiso sida ay uga go’an tahay dib-u-habaynta qaab-dhismeedka dowladnimada taas oo xaqiijin doonta “in hantida dawladda si hufan looga faa’iidaysto dhammaan dadka Soomaaliyeed, iyo dadaallada si kor loogu qaado kobac dhaqaale oo xooggan oo u horseedaya abuurusta shaqooyin badan”.

Si loo gaaro heerka dhameystirka deyn cafinta buuxda ee hoos timaada hindisaha waddamada sida ba’an u qaameysan (HIPC), deyn bixiyaasha waxay sidoo kale soo shuruudda ku dareen in loo baahan yahay in Soomaaliya ay la timaado rikoor waxqabad oo wanaagsan marka loo eego barnaamijka IMF oo ay hirgeliyaan istiraatijiyaddeeda dhimista saboolnimada ugu yaraan hal sano.

Rukhsadda ganacsiga khaadka

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale toos u farageliyay lacagta laga qaado ganacsatada khaadka ka keena Kenya oo dalka loo fasaxay bishii Juun 2022 ka dib xayiraad muddo saarneyn.

Mid ka mid ah xubnaha golaha wasiirada ayaa u sheegay Kaab TV in lacag gaareysa $3 milyan oo ay bixiyeen ganacsatada khaadka uu si shakhsi ah u qaatay madaxweynaha.

“Madaxweynaha ayaa toos lacagtaasi loo siiyay. Isaguna wuxuu sheegtay in arrimo culus uu isaga xallinayo sida Macawiisleyda oo mushaar loo weysanaa iyo hawlaha safaradiisa dibadda. Ma jirto wax lacag ah oo illaa haatan Macawiisleyda la siiyay,” ayuu yiri xubinta Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la hadlay Kaab TV.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo ay ahayd inay iyadu bixiso rukhsadaha diyaaradaha khaadka ay dalka ku imaanayaan ayaa lagu soo koobay kaliya rukhsadda soo degista diyaaradaha oo ka duwan shatiga la siinayo ganacsatada khaadka keeni karta dalka.

Isticmaalka shakhsiga ee lacagaha tirada badan ee madaxda dowladda ayaa keeni kara inay caqabad ku noqdaan barnaamijka deyn cafinta.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News