KISMAAYO (Baraarug) – Gabdhaha shaqo-doonka ah waxay la kulmaan dalabyo anshax xumo ah, sida in lagu qasbo inay ku beddeshaan sharaftooda ama mustaqbalkooda fursadaha shaqo ee loo fidinaayo, halkii loo eegi lahaa kartidooda iyo aqoontooda ku aaddan shaqada.
Sida ay qabto Falxado Abdullahi Mohamed oo ku sugan Kismaayo, caqabadaha noocan ah waxay si aad ah ugu adkeynayaan gabdhaha inay horumar sameeyaan ayna kaalin muuqata ka qaataan horumarinta dalka. Baraarug