Maroodi-jeex (KAAB TV) – War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa laga mamnuucay in magaalada Hargeysa lagu qabto bandhig faneedyada ay qabtaan fanaaniinta iyo sidoo kale caweyska heesaha ee la qabto xilliyada habeenkii ah.
Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ayaa ku amray hoteelada kuyaalla magaalada Hargeysa in aan lagu qaban karin wax bandhig faneed iyo caweyska heesaha, waxa uuna taliyaasha booliiska magaalada amray dhaqangelinta amarka mamnuucida bandhig faneedyada.
Qoraalkan kasoo baxay maamulka Hargeysa ayaa lagu sheegay in bandhig faneedka iyo caweyska heesaha ay liddi ku yihiin diinteena suuban iyo anshax-wannaaga, waxa uuna amray in tallaabo laga qaado ciddii amarkan kahor timaada.
Sikastaba, ammarkan lagu mamnuucay badhig faneedyada iyo caweyska hoteelada inta badan habeenkii lagu qabto, ayaa kusoo beegmaya xili ay nagu soo foodleedahay bisha barekeysan ee Ramadaan, iyadoo ay haatan naga xigaan wax kayar 10 maalmood.
