MOGADISHU (Baraarug) – Ma fududa in aad noqoto suxufi iyo isla markaana aad tahay haweenay Soomaaliyeed.
Soomaaliya waa dal ku jiray dagaal daba dheeraaday in ka badan soddon sano, taasoo sababtay in xuquuqda aadanaha iyo midda haweenku ay ku dhowaato inaysan jirin.
Suxufiyiintu waxay bartilmaameed u yihiin kaliya sababtoo ah inay runta sheegaan. Codadka haweenka si dhib yar looma maqlo, waxaana intooda badan laga reebaa wadahadalka bulshada.
Iyadoo ay jiraan caqabado badan, haddana haweenka suxufiyiinta Soomaaliyeed waxay door muhiim ah ka ciyaarayaan qaabaynta sheekooyinka, dhiirrigelinta isbeddelka, iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
Muuqaalkan kooban, kooxda Baraarug waxay la hadashay saddex haween suxufiyiin ah: Anfa Aden Abdi, oo ah soo saaraha Baraarug podcast; Shukri Caabi Cabdi, suxufiyad maxalli ah oo wajahday hanjabaado; iyo Fartuun Axmed Maxamed, suxufiyad iyo xubin firfircoon oo ka shaqeysa nabadda.
Waxay nala wadaageen aragtidooda ku aaddan caqabadaha ay la kulmaan, doorka ay haweenku ku leeyihiin bulshadeenna, iyo sida Soomaaliya ay horumar ku gaari karto iyadoo haweenku si buuxda uga qayb qaataan nolosha bulshada.