SO | EN

SO | EN

Nabadoon la dagaalamay Shabaab oo xog cusub bixiyey

|

Beledweyne (KAAB TV) – Nabadoon laga soo badbaadiyay weerarkii saakay Al-Shabaab ku qaadeen Hotel ku yaalla magaalada Beledweyne ayaa ka sheekeeyey sida ay wax u dhaceen, isagoo sheegay in muddo dheer uu dagaalamayey, ugu dambeyntiina uu naftiisa badbaadsaday, isagoo dhawac fudud qaba.

“Salaadii subax anaga oo cibaado ku jirna ayey nagu dhufteen gaari Leylo ah oo qarax ay ku soo rareen, kadibna waxaa gudaha Hotelka soo galay rag hubeysan oo 6 ilaa 7 aan ku qiyaasay, aniga iyo rag kale aad ayaan u dagaalanay,” ayuu yiri.

Nabadoonkaan ayaa sheegay in markii hore ay iska caabiyeen kooxda, balse wuxuu sheegay in mid kale uu is-qarxiyey markii ay cabaar dagaalamayeen, wixii qaraxa labaad ka dambeeyana ay u suurtagashay inay rag badan dilaan.

“Aniga dadkii soo jeeday ayaan kamid ahaa, kitab ayaan akhrisanaayey waxyar kadibna waxaan rabay inaan baxo, balse waxaa soo bilowday weerarkaan, waxaan ku jiray raggii dagaalamay, dhibaato badan iyo dagaal badan ayaa ka dhacay Hotelka, markii ciidanka dowladda soo galeen howlgalka ayaan isaga baxnay goobta,” ayuu yiri.

Odagaan ayaa sheegay in dhaawac fudud uu kasoo gaaray weerarkaas, rag badan ayuu sheegay inay dhinteen, inkastoo uusan sheegin tiro rasmi ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Shabaab-kii dagaalamay la laayey, isla markaana ay weli nool yihiin labo kamid ah oo ka dhex dagaalameysa Hotelka, kuwaas oo afjarkooda ay ku howlan yihiin ciidamada ammaanka.

“Weli waxaa socda howlgalka, labo ayaa ka nool oo weli dagaalameysa, markii lasoo afjaro ayaan warbaahinta xog rasmi ah sii doonaa,” ayuu yiri mid kamid ah nabadoonadii hotelka deganaa oo maqribkii warbaahinta la hadlay.

Ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan laba nabadoon oo caan ka ah Galbeedka Beledweyne, ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen weerar qarax ku billaawday oo rag hubeysan oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay saaka aroortii ku qaadeen hotelka Qaahira ee magaalada Beledweyne.

Wararka ka imanaya magaalada ayaa sheegaya in ilaa iyo caawa rasaas goos goos ah laga maqlayay hotelka gudihiisa, halkaas oo ay ku hareereysan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda, ciidamada Jabuuti ee Hiil-walaal iyo ciidamo Itoobiyaan ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News