Muqdisho (Kaab TV)– Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dil goor sii horeysay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo koox burcad ah ay ugu geysteen gabar dhalinyaro ah.
Dilkan oo ka dhacay xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid, ayaa waxay kooxda burcadka ah u geysteen gabar dhalinyaro ah oo kamid aheyd shaqaalaha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Gabadhan oo magaceeda lagu sheegay Naciimo Cabdiraxmaan, ayaa waxay Kalkaaliso ka aheyd Isbitaalka Madiina ee dowladda ay gacanta ku hayso.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in gabadha Kalkaalisadda aheyd loo dilay telefoon ay wadatay, kadib markii ay isku dhajisay, taasi oo keentay in kooxda burcadka ah ay si xoog uga qaateen, ayna xabado la dhacaan, sida ay sheegeen dad ka agdhawa.
Kooxda dilka geystay oo la sheegay iney wateen Mooto Bajaaj ayaa markiiba iskaga baxsaday goobta, ayada oo halkaasi ay gaareen ciidamada amaanka.
Ciidamada ayaa bilaabay baaritaan la xiriira dilkan, iyada oo laamaha amaanka ay sheegeen inay ku raadjoogaan burcadii geystay dilkaan.