Muqdisho (KAAB TV) – Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay xoojiyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, iyagoo u ruqaansaday dhanka magaalooyinka muhiimka ah ee Jowhar iyo Balcad.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda ay gudaha u galeen gobolka, iyagoo gaaf wareegaya waddooyinka, isla markaana soo dhigtay jidgooyo cusub. Deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday ayaa waxaa ka mid ah inta u dhexeysa Jowhar iyo Balcad, iyo sidoo kale aagga u dhexeeya Qalimow iyo Balcad, Qalimoow iyo Jowhar.
Ciidamada ayaa sidoo kale la sheegay in ay isku fidiyeen Galbeedka Gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan meel ku dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo horay looga saaray Al-Shabaab.
Inkastoo deegaano ka mid ah ay gacanta ku hayeen bilihii lasoo dhaafay, ayaa hadana wararka waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay kordhisay awoodeeda, iyadoo dib u soo ceshatay deegaano ay horay uga xoreeyeen ciidamada Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya oo arrintaas ka jawaabeysa ayaa cutubyo ciidan oo dheeraad ah geysay gobolka, iyadoo hadda ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu magaalada Cadakke ka sameeyay ciidamo ka amar qaata howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada.
Dhanka kale, duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha milateriga Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay sii kordhayay, kuwaasoo lagu beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab, si loo wiiqo awooddooda.
Xaalada Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wali ah mid qasan, waxaana marar badan iska horimaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab. Dowladda ayaa lagu soo waramayaa in ay dardar galineyso dadaalada ay ku dooneyso in mar qura laga saaro maleeshiyaadkaasi.