Muqdisho (KAAB TV) – Waxaa goordhoweyd garoonka diyaaradaha ee Aaden Cadde ka duulay wafdi uu hoggaaminaayo Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre, kuwaas oo kusii jeeda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Sidoo kale, wafdiga Reysal Wasaare Xamse waxaa qeyb ka ah taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed Asad Cismaan Cabdullaahi (Asad Diyaano).
Dhanka kale, wasiiro iyo xildhibaano katirsan xukuumadda uu hoggaamiyo Reysal Wasaare Xamse ayaa shalay iyo doraad gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kuwaasi oo hordhac u ahaa Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Tagista Reysal Wasaare Xamse ee magaalada Laascaanood ayaa noqoneysa taariiqda markii ugu horeysay Reysal Wasaare Soomaaliyeed uu ka dago mid kamid gobolada Waqooyi, iyadoo ay xusid mudantahay in halkaas madax ka socoto DF ay tagaan uu ugu dambeeyay madaxweynihii labaad ee Soomaaliyed Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Sikastaba, Safarka Reysal Wasaare Xamse soo dhoweyntiisa ayaa siweyn looga dareemooyaa magaalada Laascaanood, iyadoo wadooyinka magaalada lagu xardhay boorar ay ku sawiranyihiin madaxweyne Xasan Sheekh iyo Reysal Wasaare Xamse.