GAROWE (Kaab TV) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Cabdi Faarax Juxa, oo sidoo kale ah qoraa caan ah oo qoray dhowr buug, ayaa si kulul u dhaliilay madaxweynaha hadda xilka haya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xusay in madaxweynuhu diiday inuu aqbalo Dastuurka Federaalka xilligii ugu horreeyay ee la doortay sanadkii 2012.
“2012, maalinkii la doortay Xasan Sheekh ayuu yiri, ‘kan [Dastuurkii Federaalka] la igu xukumi maayo,’” ayuu yiri Juxa, oo hadal ka jeediyay kulan xalay ka dhacay magaalada Garowe.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Puntland ay hormuud ka ahayd dhammaan tallaabooyinka dowlad-dhisidda Soomaaliya laga qaaday tan iyo burburkii 1991, isagoo ku adkeystay in doorarka Puntland aan la dhayalsan karin marka laga hadlayo dib u dhiska hay’adaha dowladeed iyo nidaamka federaalka.