HARGEYSA (Kaab TV) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaysan jirin wax wada hadal ah oo ay Dowladda Soomaaliya kala yeelatay arrimaha maxaabiista kaga xiran Laascaanood ee ay SSC-Khaatumo ku qabatay dagaalka sannadkii 2023.
War saxaafadeed Khamiista kasoo baxay Golaha Wasiirada Somaliland ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Somaliland waxa ay si cad u sheegaysaa in aanay jirin wax wada-hadal ah oo Dowladda Soomaaliya kala yeelatay arrimaha la xidhiidha siideynta maxaabiista.
“Maxaabiista Raysal-wasaaraha Soomaaliya geeyay magaalada Muqdisho ma aha maxaabiis dagaal (𝐩𝐫𝐢𝐬𝐨𝐧𝐞𝐫𝐬 𝐨𝐟 𝐰𝐚𝐫),” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.
“Xukuumadda Somaliland waxa ay u aragtaa tallaabadaasi inay ahayd mid lagu qarinayo fashilka siyaasiga ah ee haysta Dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu sii daray qoraalka.
Iskaashiga caalamiga ee is dhaafsiga maxaabiista
Xukuumadda Somaliland waxa ay sheegtay inay wada hadallo la yeelatay Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo danjireyaasha dalalka saaxiibka la ah si loo xalliyo arrinta maxaabiista, iyada oo ku saleysan xeerarka iyo hab-raacyada caalamiga ah ee maxaabiista.
“Somaliland waxa ay diyaar u tahay in maxaabiista la isu waydaarsado hannaan kasta oo waafaqsan nidaamka isweydaarsiga maxaabiista, bud-dhigna ay u tahay hay’adda ICRC, iyada oo ay Xukuumadda Somaliland hore ugala hadashay arrimaha maxaabiista wadamada ay saaxiibka yihiin sida Maraykanka, Ingiriiska, Denmark, Finland, Turkiga iyo Emirate-ka Carabta,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.
Talaadadii ayaa maamulka SSC-Khaatumo siidaayay 25 maxbuus oo ka mid ahaa maxaabiistii Somaliland ee ku xirnayd magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Waxaa siideynta maxaabiistaasi ay timid ka dib booqasho uu Laascaanood ku tagay Raisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
War saxaafadeed ay wadajir u soo saareen maamulka SSC-Khaatumo iyo Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in SSC-Khaatumo ogolaatay siideynta 25 maxbuus oo qabay duruufo gaar ah iyadoo tallaabadaasi loo qaaday dhanka dadaallada nabadda.