SO | EN

SO | EN

Qabsashada Shabaab ee Aadan Yabaal maxay ka dhigan tahay?

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa Arbacadii la wareegtay degmada muhiimka ah ee Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib dagaal kooban oo ka dhacay duleedka degmada.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay weerar af-jaho ah ku qaaday degmada, ayna si buuxda ula wareegtay.

Wasiirka Amniga ee Hirshabeelle, Maxamed Kheyre, ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab hadda gacanta ku hayso degmada Aadan Yabaal.

Degmadan ayaa horey u ahayd saldhig weyn oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda federaalka iyo maleeshiyaad deegaanka ah, waxayna ahayd xarun muhiim u ah hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, balse wararka dadka deegaanka laga helayo ayaa sheegaya dhimasho iyo dhaawac ka dhashay iska horimaadka dhacay waaberigii Arbacada.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo ku faanay inay la wareegeen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan gudaha saldhigga booliska degmada Aadan Yabaal.

Waxaa sidoo kale la arkayay hub, gaadiid dagaal, iyo raashin ay horey u bixiyeen dalalka taageera Soomaaliya, oo gacanta u galay kooxda Al-Shabaab kadib markii ay qabsadeen degmada.

Qabsashada Aadan Yabaal maxay ka dhigan tahay?

Waxaa jira saraakiil aan weli la ogeyn xaaladooda, iyadoo lagu soo waramayo in qaar ka mid ah laga soo cararay degmada Aadan Yabaal. Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin saraakiisha la la’yahay.

Qabsashada Aadan Yabaal waxay ka dhigan tahay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hadda kaliya gacanta ku hayso saddex degmo oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe: Jowhar, Mahadaay iyo Balcad, halka inta kale ay la wareegeen Al-Shabaab.

Sidoo kale, ciidamada dowladda ayaa dib uga baxay deegaannada Yasooman iyo Aboorey ee gobolka Hiiraan, halkaas oo dagaallo culus ay toddobaadyadii la soo dhaafay ka socdeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si kooban uga hadlay arrinta Aadan Yabaal ayaa sheegay in “guul-darro hal maalin ah aan lagu cabbiri karin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News