SO | EN

SO | EN

Dowladda Turkey oo diidday in ay duqeyso fariisimaha Al-Shabaab

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Dowladda Turkey ayaa diidday inay duqeyso goobaha ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab, inkastoo ay dowladda Federaalka Soomaaliya dhowr jeer u dirtay codsiyo arrintaas la xiriira.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Turkey si cad uga biyo diiday dalabyadaas.

“Dhowr jeer waxay Turkidu dheheen, ‘Rasaas ma hayno,’” ayuu yiri qof ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga.

Saraakiil u waramay Kaab TV News ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee ka dambeysa diidmada Turkey ay tahay in ay ka biyo diidanyihiin xil ka qaadistii Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (oo loo yaqaanno Jaamac).

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa 17-kii March 2025 xilka ka qaaday Wasiir Jaamac, oo hayay xilkaas tan iyo xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdulqaadir Jaamac, oo horey uga tirsanaa ururkii Xizbul Islaam ee uu hoggaamin jiray Xasan Daahir Aweys, ayaa loo arkaa inuu yahay shaqsi xiriir dhow la leh dowladda Turkey, gaar ahaan madaxda sare ee Ankara.

Xil ka qaadistiisa ayaa la rumeysan yahay inay timid kadib cadaadis uga yimid dowladda Mareykanka, taasoo ka carootay musuqmaasuq ballaaran oo laga soo sheegay ciidamada DANAB — kuwaas oo Mareykanka si gaar ah u tababaro.

Cadaadiska Mareykanka ayaa sidoo kale ku saleysnaa baahida loo qabo in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay noqdaan kuwo hufan oo hogaamin sugan leh.

Wasiir Jaamac ayaa loo wareejiyey Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, halka Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha, Jibriil Xaaji Cabdi, loo magacaabay Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga.

Dhowr maalmood kaddib xil ka qaadistiisa, Jaamac ayaa ka mid noqday wafdi uu hoggaaminayey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo 27-kii March 2025 booqasho hal maalin ah ku tagay dalka Turkey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarradeeda bilihii u dambeeyay, iyagoo qabsaday degmooyin iyo deegaano badan oo ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa isaga soo baxay inta badan meelihii ay la wareegeen Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa fileysay in ay hesho taageero duqeyn cirka ah si loo xakameeyo horumarka Al-Shabaab, balse arrintaas waxaa hor taagan caqabado siyaasadeed iyo xiriirka kala dhaxeeya saaxiibada dibadda.

Dowladda Turkey ayaa horey u sheegtay in ay keentay diyaarado aan duuliye wadin (drones) oo loogu talagalay in lagu duqeeyo fariisimaha Al-Shabaab, hase yeeshee weli lama arag tallaabo toos ah oo la qaaday tan iyo markii uu bilaabmay abaabulka cusub ee dagaalka ka dhanka ah kooxdaas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News