GAROWE (Kaab TV) – Haweenka Puntland ayaa si cad u sheegay inaysan codkooda siin doonin xisbiyada ama ururrada aan mudnaan siin haweenka iyo dhallinyarada, gaar ahaan marka ay timaado xilalka sare iyo matalaadda siyaasadeed.
Hadalkan ayaa kasoo yeeray haweenka xilli uu caawa magaalada Garoowe ka dhacay kulan uu soo qabanqaabiyay Guddiga Doorashooyinka Puntland, kaas oo lagu soo bandhigay qorshaha shanta sano ee lagu hiigsanayo dimuqraadiyad buuxda oo ka hanaqaadda Puntland.
“Annaga oo ah haweenka, ma siin doonno codkeena xisbi aan haweenka iyo dhallinyarada ka dhigin musharraxiinta ugu horreeya ee liiska,” ayay tiri Xaawo Cali, Agaasimaha Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta Puntland, oo ku hadlaysay codka haweenkii ka qeybgalay kulanka.
Haweenka ayaa sidoo kale sheegay in ay si toos ah u arkeen sida nidaamka ku saleysan qabiilka iyo eexda qaraabo-kiilka ee xilalka lagu qaybiyo uu uga reebay fursaddii ay ku matali lahaayeen bulshadooda.
Waxay sheegeen in nidaamkan uu fashilmay oo aanu sii shaqeyn karin, isla markaana loo baahan yahay isbedel dhab ah.
Qoondada Haweenka
Haweenka ayaa ka cawday in aan si dhab ah loo dhaqan gelin qoondada haweenka ee 30%, gaar ahaan doorashadii ka dhacday Puntland sannadkii 2023.
Xaawo Cali ayaa ku baaqday in Xeerka Doorashooyinka Puntland lagu daro qodobo sharciyeed oo xaqiijinaya in qoondada haweenka si buuxda loogu daro hannaanka doorashada.
Sidoo kale, waxay dalbadeen in haweenka lagu daro tobanka musharrax ee ugu sarreeya liisaska tartamayaasha.