GAROWE (Kaab TV) – Dugsiga Sare ee Al-Xikma ee Garowe ayaa si rasmi ah u soo xiray tartan aqooneed oo dhexmaray ardayda dugsiga, kaas oo ujeeddadiisu ahayd dhiirrigelinta waxbarashada iyo kobcinta tartanka fayoobida leh ee aqoonta.
Munaasabadda xiritaanka tartanka, oo si heer sare ah loo agaasimay, ayaa ardaydii ka qeybgalay lagu abaalmariyay bilado, shahaadooyin iyo hadyado kala duwan, taasoo qayb ka ah dadaalka dugsigu ugu jiro horumarinta tayada waxbarashada.