SO | EN

SO | EN

Koonfur Galbeed oo jebisay weerar gaadmo oo ay Shabaab soo qaadeen

|

BAYDHABO (Kaab TV) – Khamiistii shalay ayaa dagaal culus uu ku dhex maray ciidanka Koonfur Galbeed iyo kooxda Al-Shabaab tuulada Baay Burjeed oo ku taalla duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in weerarka uu bilowday waaberigii, xilligaas oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xero ciidan oo ay ciidamada KGS ku lahaayeen deegaanka Baay Burjeed.

Weerarkaasi ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhinac ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in ciidanku ay si buuxda uga hortageen weerarka, ayna gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab jab xooggan.

Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in meydad lagu tuhunsan yahay inay yihiin dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab la keenay magaalada Baydhabo.

Saraakiisha KGS ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dhowr sarkaal oo ka tirsan ciidanka ay ku dhinteen dagaalka.

Dagaalka kaddib, shacabka magaalada Baydhabo iyo ciidamada maamulka ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada, halkaas oo ay ku muujiyeen taageeradooda iyo dabaaldeg ku aaddan guusha laga gaaray weerarka.

Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo ay kooxda Al-Shabaab ku beegsadeen fariisin ay ciidamada KGS ku lahaayeen Baay Burjeed, balse ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka, ayna dileen qaar ka mid ah weeraryahannadii, halka kuwo kalena ay dhaawaceen.

“Shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed waxaa loogu hambalyeeyay Ciidamada Qalabka Sida guusha ay ka gaareen weerarka gaadmada ah ee Khawaarijta Al-Shabaab kusoo qaadeen fariisimaha ay ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta KGS ku leeyihiin duleedka Baydhabo,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kaddib booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta ee ku sugan furimaha difaaca magaalada Baydhabo.

“Meel kasta ayaa loogu tagayaa – tuulooyinka, magaalooyinka, iyo meel walba oo ay isku dayaan inay ku dhuuntaan,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka geysanayaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoo dib ula wareegay deegaano badan oo ku yaalla gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, iyo Shabeellaha Hoose.

Inkasta oo ay weli gacanta ku hayaan deegaano badan oo miyiga ah iyo waddooyinka isku xira magaalooyinka koonfur galbeed – taasoo caqabad ku ah isu socodka dadka – haddana wararka ka imaanaya Xudur, Diinsoor, iyo Waajid ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dhawaan bilaabeen inay oggolaadaan isticmaalka waddooyinka qaar ee gaadiidka dadweynaha, gaar ahaan kuwa u kala goosha ilaa Baydhabo, xarunta maamulka KGS.

Lama oga in tallaabadan ay qeyb ka tahay istiraatiijiyad cusub oo ay kooxda Al-Shabaab ku dooneyso inay ku ballaariso saameynteeda iyo dhul ay ku maamusho gudaha koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News