MUQDISHO (Kaab TV) – Buuq iyo muran ku dhowaaday gacan qaad ayaa maanta ka dhacay baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa diiday inuu furmo kulanka maanta ka dib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka, Sheekh Aadan Madoobe, uu diiday in ajendaha lagu soo daro kiiska xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo sida la sheegay uu beegsi ku haayo guddoonka baarlamaanka iyo madaxtooyada.
Muranka ka dhex bilawday madasha ayaa sababay in la jabiyo makrafoonka, iyadoo intaa ka dibna uu guddoomiyuhu soo xiray shirka.
Xildhibaan Maxamed Barre Fiyoore oo ka mid ah mudanayaasha ka hadlay dhacdada maanta ayaa sheegay in Sheekh Aadan Madoobe uu si shakhsi u beegsanaayo Xildhibaan Abiib.