GAROWE (Kaab TV) – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Mudane Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa si kulul u dhaliilay hoggaanka dowladda federaalka ah, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay inuu ciidamadii qaranka si cidlo ah uga dhaqaaqay isagoo ka gooyay sahaydii ay ku tiirsanaayeen.
“Xasan Sheekh ciidamadii cidlo ayuu kaga dhaqaaqay intuu saadkii ka goostay, oo maafiyo saadka ka beecmushtarta u dhiibay,” ayuu yiri Wasiir Dirir oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah. Wuxuu intaas ku daray in ficilkaasi horseeday in kooxda Al-Shabaab ay si sahal ah u helaan fursad ay ku beegsadaan ciidamo aan helin taageeradoodii, taasoo keentay, sida uu hadalka u dhigay, jab weyn oo qaran.
Wasiirku wuxuu sidoo kale uga digay shacabka Soomaaliyeed in dalka uu hadda galay xaalad khatar ah oo u baahan feejignaan iyo is-wareysi dhab ah oo ku saabsan jihada ay dowladda hadda jirtaa u waddo howlaha amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah.
“Dalkaan halis buu ku jiraa maanta, waxaana muuqata in hoggaan xumo laga dhaxlay niyad-jab iyo kalsooni darro lagu qabo jihada dagaalka ka dhanka ah argagixisada,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.