GAALKACYO (Kaab TV) – Waxaa shalay degmada Bur Saalax ee gobolka Mudug lagu aasay labo ganacsato deegaanka ah oo maalinkii Axadda lagu dilay degmadaasi.
Burhaan Xaashi oo ahaa maamulaha shirkadda isgaarsiinta Golis ee degmada Bur Saalax iyo Mahad Bashiir Maxamed (Sayuun) ayaa labaduba lagu toogtay degmada Bur Saalax isku goob.
Rag hubeysan ayaa la sheegay inay toogteen labada marxuum. Waxaana dhacdada lagu tilmaamay mid salka ku heysa aano dhanka qabiilka.
Deegaanada gobolka Mudug waxaa waayadan ka taagnaa colaad beeleedyo soo laa-laabtay, kuwaasi oo qabiillada deegaanka ku dhexmaray kuwaasi oo sababay dilal iyo barakac loo geystay dad aan waxba galabsan.
Dowladda Puntland ayaa deegaanka u dirtay mas’uuliyiin uu hoggaaminaayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Khaliif Faarax si ay u dejiyaan xiisad ka dhalatay dilka labada marxuum oo aaskoodu Isniintii ka dhacay isla degmada Bur Saalax.

Boqollaal dadweynaha deegaanka iyo mas’uuliyiin heer gobol ayaa kasoo qeyb galay aaska.
Wafdiga ay dirtay Puntland oo ka kooban Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Mudug, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee Gobolka Mudug, ayaa kulan la qaatay qayb ka mid ah Isimada dhaqanka Gobolka Mudug, guddiga Odayaasha nabadgelyada ee Gobolka Mudug, Guddoomiyaha Degmada Bursaalax, Guddoomiye ku xigeenka Degmada Galdogob, waxgaradka iyo qaybaha Odayaasha ee nabadda ka shaqeeya.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegtay in kulankaan looga wada hadley xal u helidda dilkii xalay ka dhacay Degmada Bursaalax, masuuliyiinta iyo Odayaasha oo la kulmay Odayaasha Beeshii xalay dhibku gaaray ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timi raggii dhintay, waxayna uga baaqeen in la isxakameeyo nabadda iyo wadahalkana la xoojiyo si loo afqabto dhacdooyinka la xiriira anooyinka qabiilka oo muddooyinkii dambe ku soo noq-noqonayey Gobolka Mudug.
“Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL waxay xoojinaysaa nabadda iyo xasilloonida bulshada dhexdeeda ah, waxayna ugu baaqaysaa Dadka Reer Puntland ee ay saamaysay dhacdooyinkaan oo kale in laga hortago dhacdooyinka guracan ee aan u hiilinayn nabadda iyo wada noolaashaha bulshada walaaha ah ee isku diinta iyo diirka ah,” ayaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda.