Garoowe (KAAB TV) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay Puntland in aysan ka qeyb geli doonin wax shir ah oo dambe oo ay isugu imaan doonaan Golaha Wadatashiga, illaa dib loogu soo laabto wixii horey loogu heshiiyay.
Madaxweyne Deni ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay Puntland si rasmi ah uga baxdo shirarkii Golaha Wadatashiga Qaranka bishii December 2022, kaddib markii, sida uu tilmaamay, laga leexday heshiisyadii ay Soomaalidu isla gaareen, gaar ahaan arrimaha la xiriira Dastuurka.
Deni wuxuu sheegay in Puntland u taagan tahay ilaalinta heshiisyada iyo hannaanka dastuuriga ah ee dalka, isla markaana aysan aqbali doonin in lagu shaqeeyo wax ka baxsan wixii horey loogu heshiiyay.
Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmaya, xilli saaxiibada Soomaaliya ay ugu baaqeen dowladda Federaalka in dowlad goboleedyada oo dhan ay ka qeyb galaan shirka Wadatashiga ee dhawaan ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Shirkii shalay lagu soo gabagabeeyay Uganda, ayaa Midowga Afrika waxay ku boorriyeen madaxweyne Xasan Sheikh inuu dardargeliyo wadashaqaynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si xal looga gaaro ismariwaaga siyaasadeed.