SO | EN

SO | EN

Howlgal lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Al shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

|

Shabeellaha Hoose (KAAV TV) – Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay qaadeen howlgal ay ku dileen horjoogayaal ka tirsan Dhaq dhaqaaqa Al shabaab laguna burburiyay saldhigii ay ku sugnaayeen.

Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaan uu si gaar ah uu uga dhacay degaanka Maduulow ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaana howlgalka fuliyay ururka 26aad ee guutada 6aad ee qeybta 60aad ee Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Saraakiisha howlgalkaan hogaamineysay ayaa sheegay in inta howlgalka uu socday ay kaga takhaluseen horjoogayaal lagu kala magacaabo Xasan Biid iyo Cabdullahi Garweyne waxaana goobta lagu burburiyay saldhigii ay kusugnaayen ay dadka baada kaga qaadi jireen.

Taliyaha Ururka 26aad ee Guutada 6’aad Qeybta 60aad Gashaanle Faarax xirsi Cabdule ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka inay xoojin doonaan howlgalka lagu ciribtiraayo Kooxda Al shabaab ee kusugan degaanada Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhowaanahaan degaanada Shabeelooyinka waxaa ka socday howlgallo ay ciidamada Militariga Soomaaliya ay ku baacsanayaan Kooxda Al shabaab laguna burburinayo saldhigyada ay kaga sugan yihiin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News