Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu lix jeer ka badbaaday isku day dil

|

Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maqaal dheer uu ku qoray Jariidada Sharqul Awsat ee kasoo baxda dalka Sacuudiga ayaa waxa uu bilow uu uga dhigay in Tan iyo markii ugu horeysay ee loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2012, lagu sameeyay lix isku day dil oo ay geysteen kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay 18-kii March, 2025, ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu tilmaamay in markii ugu dambeeyay ee uu ka badbaadayay isku dayga dil ay isku dayayeen Al shabaab inay carqaladeeyaan socdaalkiisa jiidaha dagaalka si uu ciidanka u dhirigeliyo, Laakin Alle mahadii iyo feejignaantii hay’adaha amniga ayuu ku sheegay in uu dhicisoobay qorshahoodii.

“Isku daygan joogtada ah ee la doonayo in la igu khaarijiyo ma aha mid ka tarjumaya weerar shakhsi ah, balse waxay ka tarjumaysaa ogaanshaha cadawga ee ku wajahan nooca mashruuca qaran ee aan wadno oo ah mashruuc Soomaaliya looga badbaadinayo argagixisada, laguna dhisayo mustaqbal xasiloon oo ay helaan dadkeeda iyo gobolka oo dhan. Al-Shabaab waxa ay garwaaqsatay in ciribtirka iyada iyo kooxaha kale ee argagaxisada ah aysan macnaheedu ahayn in Soomaaliya la xoreeyo, balse ay sidoo kale amni iyo xasillooni ka abuurto Geeska Afrika” ayuu maqaalkiisa ku sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Dagaalka ay Dowladiisu kula jirto argagixisadu ahayn dagaal maxali ah oo keliya, balse waa dagaaluu ku tilmaamay mid lagu doonayo nabadda iyo xasilloonida gobolka oo dhan.

“Tan iyo markii aan xafiiska la wareegay markii labaad 2022, waxaan ahmiyadda koowaad siiyay inaan dagaalka u horseedo xudunta ururada argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish. Istaraatiijiyadeenu waxay ahayd mid dhammaystiran, markii aan ku wajahnay laba waji oo waaweyn feker iyo lacag” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha.
Madaxweynaha waxa uu maqaalkiisa kusoo hadal qaaday Muhiimadda istiraatijiyadeed ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay u leeyihiin heerka amniga iyo dhaqaalaha adduunka, waxa uu xusay in kooxo badan oo argagixisa ah oo ay ugu horreeyaan Al-Qaacida, Al-Shabaab, Daacish iyo Xuuthiyiinta si qarsoodi ah isku baheystay, waxayna isweydaarsanayaan door ka dhan ah dalalka gobolka oo ay ku jiraan Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudiga iyo guud ahaan dalalka Khaliijka.

“Sirdoonkeena ayaa dhawaan ogaaday xiriirka ka dhaxeeya kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo Daacish iyo Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, kaasoo isu bedelay inay is waydaarsadan hub iyo khibrado la is dhaafsado, Waxaan qabanay oo la wareegnay shixnadihii qaraxyada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yemen ka imaanayay ee Soomaaliya soo gaaray, waxaana gacanta ku dhignay shabakad dadka wax tahriibisa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Maqaalkaan uu Madaxweynaha Sharqul Awsat uu ku qoray ayaa sidoo kale waxa uu ku xusay in Argagixisadu ay raadiyaan inay maamulaan biyaha muhiimka ah ee badda, hadday ahaan lahaayeen Gacanka Cadmeed ama xeebaha Badweynta Hindiya, kuwaas oo u taagan halbowlayaasha muhiimka u ah gobolka iyo caalamkaba.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News