HARGEYSA (Kaab TV) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa soo saartay amar ay ku saareyso dadka aan heysan sharciga Somaliland.
Wareegto kasoo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdale Maxamed Carab, ayaa loo qabtay muddo saddex cisho inay ku baxaan dhammaan ajaaniibta aan heysan sharciga Somaliland.
“Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab Ayaa amar kasoo Saaray Dadka Ajaaniibta Ah Ee Aan Haysan Sharciga Dalka JSL,” ayaa lagu yiri wareegtada oo soo baxday maanta oo Talaado ah.
Muddada saddexda cisho ayaa ka bilaabaneysa Arbacada berito ee 30 Abriil waxayna ku eg tahay 2 May 2025.

Lama sheegin dadka loola jeedo ajaaniibta.
Somaliland oo deegaanadeeda ay ka mid yihiin meelaha xasiloon ayaa waxaa kusugan dad kala duwan oo ay ku jiraan muhaajiriin Itoobiyaan ah, dad kasoo barakacay koonfurta Soomaaliya iyo qaar ka mid ah waddamada sida Yemen, Suuriya iyo meelo kale.
Sannadkii 2022 waxay Somaliland ku dhaqaaqday tallaabo ay kaga musaafurisay magaalada Laascaanood kumannaan ruux oo kasoo jeeda deegaanada Bay iyo Bakool kuwaas oo ay Somaliland ku sheegtay inay ahayayeen ajaaniib “amni darro ka waday deegaanadeeda”.
Dhowaan warbaahinta caalamiga ayaa sheegtay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka fekeraayo in dadka reer Falastiin ee ku nool Qasa loo raro Somaliland iyo Puntland oo loo arko inay ka nabdoon yihiin Soomaaliya inteeda kale.