SO | EN

SO | EN

Puntland iyo Somaliland oo maxaabiis isweydaarsanaya

|

GAROWE (Kaab TV) – Puntland iyo Somaliland ayaa berito oo Arbaco ah la filayaa inay is dhaafsadaan maxaabiis ay kala haysteen labada dhinac.

Ilo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in berito magaalada Garowe laga dhoofin doono 9 maxbuus oo ku jiray xabsiyada Puntland, kuwaas oo Puntland ay maxaabiis ahaan uga qabatay maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa sidoo kale siideyneysa 11 ruux oo maxaabiis reer Puntland ah.

Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiis kii ugu horreeyay noociisa oo lagu caadiyeynayo xiriirka labada gobol ee deriska ah oo muddo dheerba ay colaad ka dhex taagneyd.

Puntland iyo Somaliland ayaa ku muransan deegaanada Sool iyo Sanaag, balse sannadkii 2023 ayaa dagaalkii ka dhacay Laascaanood waxaa lagu yagleelay maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.

Somaliland ayaa aaminsan inay tahay dal madax-bannaan, halka Puntland ay tahay qeyb ka mid ah federaalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in siideynta maxaabiista ay muujineyso isu soo dhowaansho cusub oo ka dhex oogmay Hargeysa iyo Garowe.

Dagaalkii Laascaanood, maamulka Puntland waxay ciidamo, hub iyo maaliyad ku taageereen dadka reer Laascaanood, taasoo horseedday in Somaliland lagu jabiyo dagaalkii Laascaanood bishii Agoosto 2023.

Hase ahaatee xiriirka Puntland iyo SSC-Khaatumo ayaa waayadan dambe mugdi ku jiraa ka dib markii SSC-Khaatumo ay la safatay dhanka dowladda federaalka Soomaaliya oo ay Puntland aad isu hayaan, khilaaf adagna uu kala dhexeeyo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News