NAIROBI (Kaab TV) – Xildhibaan Charles Ong’ondo Were oo ka tirsanaa Baarlamaanka Kenya kana soo jeeday deegaanka Kasipul, ayaa lagu dilay magaalada Nairobi fiidnimadii xalay ee Arbacada, iyadoo boolisku sheegeen in falkaasi ahaa weerar qorsheysan oo si gaar ah loogu beegsaday.
War kasoo baxay Booliska Qaranka ee Kenya ayaa lagu sheegay in weerarka uu dhacay abaare 7:30 fiidnimo wadada Ngong Road ee caasimadda Nairobi, xilli gaariga xildhibaanka oo ahaa Toyota Crown uu istaagay jaamka baabuurta darteed.
Laba nin oo saarnaa mooto ayaa u soo dhowaaday, mid ka mid ah ayaa kasoo degay mootada wuxuuna dhowr xabbadood ku dhuftay xildhibaanka, kadibna si degdeg ah ayuu u cararay.
Darawalkii gaariga iyo rakaab kale oo la socday xildhibaanka ayaa si degdeg ah ugula cararay isbitaalka Nairobi, hase yeeshee Charles Ong’ondo Were ayaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday marka uu gaaray isbitaalka.
Darawalku dhaawacyo fudud ayuu qabaa waxaana lagu dabiibayaa isbitaalka.
Afhayeenka booliska Kenya, Muchiri Nyaga, ayaa sheegay in dilkan uu ahaa “fal waxashnimo ah oo aan laga fiirsan,” isagoo intaas ku daray in weerarku u muuqdo mid “si gaar ah loo bartilmaameedsaday oo horey loo qorsheeyay.”
Taliyeyaasha booliska iyo kooxo baarayaal ah ayaa goobta weerarku ka dhacay gaaray daqiiqado kadib, iyadoo baaritaanno ay socdaan weli si loosoo qabto dambiilayaasha.
Booliska ayaa shacabka ugu baaqay inay la wadaagaan xog kasta oo wax tar u leh baaritaanka, iyagoo adeegsan kara lambarrada degdega ah ee bilaashka ah: 999, 112 ama 0800 722 203.
Xildhibaanka geeriyooday ayaa ka tirsanaa xisbiga Orange Democratic Movement (ODM) oo hoostaga isbahaysiga Azimio, oo uu hoggaamiyo ra’iisul wasaarihii hore Raila Odinga.
Waxa uu markii ugu horreysay la doortay sanadkii 2017, waxaana markale dib loo doortay 2022. Waxa uu xubin ka ahaa Guddiga Baarlamaanka ee Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Waraabka.
Qaar kamid ah dadka u dhowaa xildhibaanka ayaa sheegay in uu maalmo ka hor cabsi ka muujiyay hanjabaado loo jeediyay.
Xildhibaan Caleb Amisi oo ka tirsan baarlamaanka kana soo gala deegaanka Saboti ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ku sheegay in uu la hadlay Were subaxnimadii Arbacada.
“Wuxuu i yiri, ‘waxaan rabaa inaan kula hadlo, xaaladdu mid wanaagsan ma aha.’ Shan saacadood kaddib, wuu dhintay,” ayuu Amisi yiri.
Mas’uuliyiin sarsare oo ay kamid yihiin Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Raymond Omollo, Agaasimaha dembi baarista booliska Mohamed Amin, iyo Taliyaha Booliska Nairobi George Seda ayaa gaaray isbitaalka Nairobi fiidkii Arbacada.
Charles Ong’ondo Were waxa uu hayay shahaadada koowaad iyo mid diploma ah oo Maamulka Ganacsiga ah oo uu ka qaatay Jaamacadda Mt. Kenya, iyo sidoo kale shahaado xisaabaadka kombiyuutarka ah oo uu ka qaatay Jaamacadda Meru. Ka hor inta uusan siyaasadda gelin, waxa uu xilal hoggaamineed ka soo qabtay waaxda gaarka loo leeyahay.
Dilka xildhibaankan xilka haya ayaa gilgilay guud ahaan dalka Kenya, waxaana sare u kacay walaaca laga qabo ammaanka mas’uuliyiinta la doortay iyo jawiga siyaasadeed ee dalka, xilli doorashooyin la filayo mustaqbalka dhow.