MUQDISHO (Kaab TV) – Wareegto uu xalay soo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, ayuu kulamada Baarlamaanka kaga joojiyey 20 xildhibaan oo ka mid ah kuwii mooshinka keenay.
Xildhibaanadan waxaa ku jira qaar uu shalay magac-dhabo intii uu socday kulankii buuqyey ee Golaha Shacabka, kaasoo ku dhammaaday is-mariwaa iyo jahwareer.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa qaar ka mid ah xildhibaanadaasi u adeegsaday ereyo liiditaan iyo aflagaado ah, taasoo dhalisay cambaareyn gudaha Golaha ah.
Wareegto uu xalay soo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, ayuu kulamada Baarlamaanka kaga joojiyey 20 xildhibaan oo ka mid ah kuwii mooshinka keenay.
Xildhibaanadan waxaa ku jira qaar uu shalay magac-dhabo intii uu socday kulankii buuqyey ee Golaha… pic.twitter.com/51fIwxoZFP
— Kaab TV (@KaabTV) May 1, 2025
Go’aanka uu kaga joojinayo kulamada Baarlamaanka 20-ka xildhibaan ma ahan mid cusub. Bishii December 2024, Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale kulamada ka joojiyey 15 mudane oo badankood ka socday Jubbaland iyo Puntland.
Sidoo kale, Sheekh Aadan Madoobe wuxuu xilka iyo xubinnimada Baarlamaanka ka saaray Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib, inkasta oo uu go’aankaasi dib uga laabtay maalintii Talaadada ahayd.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa wajahaya xaalad siyaasadeed oo cakiran, iyadoo xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ay sheegeen inay doonayaan in cod loo qaado mooshin eedeyn iyo xil ka xayuubin ah oo laga keenay Guddoomiyaha.