NAIROBI (Kaab TV) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday in dalka lagu soo galo baasaboorka Taiwan, oo ah gobol ka go’ay China.
Warbaahinta Taiwan ayaa ku warrantay in dowladda #Taiwan ay ku eedeysay Xisbiga Shuuciga Shiinaha (CCP) inuu cadaadis ku saarayo dalalka kale si ay u go’doomiyaan shacabka Taiwan.
Inkasta oo Taiwan ay xafiis diblomaasiyadeed ku leedahay Somaliland, haddana #China ayaa xiriir la leh Dowladda Federaalka Soomaaliya.