SO | EN

SO | EN

Kulankii golaha shacabka oo maanta dib ufurmay

|

Muqdisho (KAAB TV) – Waxaa maanta dib ufurmay kulankii golaha shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib maalmo uu hakad kujiray. taas oo sababtay mooshin ka dhan ah guddoomiyaha golaha shacbaka, kaasoo xildhibaannada golaha shacabka ay ka keeneen mooshin culus.

Sidoo kale, dhowaan ayey aheyd markii guddoonka golaha shacabka uu 24 Xildhibaan ka ganaaxay kulamada golaha shacabka sababo laxiriira in ay fowdo ay ka sameeyeen golaha shacabka, taas oo sii kordhisay xiisadda ka dhextaagan gudaha golaha shacabka, balse ugudambeyn guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdullaahi Abshiroow warqad uu soo saaray ayaa 24 Xildhibaan dib loogu fasaxay kulamada golaha in ay soo xaadiri karaan.

Dhanka kale, guddoonka golaha shacabka Aaden Madoobe ayaa horey sidaan oo kale, waxa uu xasaanada xildhibaanimo kala noqday Xildhibaan Maxamed Abiib oo uu ku eedeeyay in uusan soo xaadirin kalfadhiyada golaha taasna ay keentay in uu waayo xasaanadiisa Xildhibaanimo, balse Xildhibaano gaaraya 100 xildhibaan oo diiday, kana soo horjeestay sifada xildhibaan Abiib loogala noqday Xasaanada xildhibaanimo ayaa keentay keentay in xildhibaanka xasaanadiisa uu dib uhelo, guddoomiye Aaden Madoobana laga keeno mooshin xilka looga qaadaayo.

Sikastaba, Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa haatan mareysa meel adag oo xasaasi ah waxaana markan soo baxay xildhibaano badan oo u ololeynaaya xil ka qaadista Aaden Madoobe, madaama Aaden Madoobe lagu eedeeyay in uu baarlamaankii hoos geeyay Villa Somalia.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News