SO | EN

SO | EN

FATAHAAD: Cabsi laga qabo in fatahaad uu sameeyo webiga Shabeelle

|

Jowhar (Kaab TV) – Cabsi laga qabo fatahaad uu sameeyo webiga Shabeelle ayaa sababtay in dadka ku nool deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe ay bilaabaan tallaabooyin ka hortag ah.

Dadka ayaa bilaabay inay ku gufeeyaan meelaha uu wabigu kasoo butaaco jawaano ciid lagu riday, si ay uga hortagaan biyaha wabiga ee ku fatahaya tuulooyinka iyo beeraha ku teedsan webiga.

Mas’uuliyiinta deegaanka weli kama aysan hadlin xaaladda, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in biyaha wabiga ay kor u kacayaan maalmahan, taasoo kordhisay walwalka fatahaadda.

Waxaa la filayaa in roobabka xilliga la filayo ay sii kordhiyaan halista fatahaadda, iyadoo sanadihii hore ay dhacday in deegaanka uu wajahayo musiibooyin la xiriira fatahaado baaxad leh.

Toddobaadkii hore ayaa roobab ka da’ay Muqdisho waxay sababeen fatahaad ay ku dhinteen labo ruux, iyadoo 200 guri oo ku yaalla caasimadda ay biyuhu qaadeen sida uu shaaciyay maamulka Gobolka Banaadir.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News