WASHINGTON (Kaab TV) – Kulankii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu la yeeshay madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo ka dhacay xalay Aqalka Cad ayaa ku dhammaaday xaalad weerar iyo weerar celis u ekaatay, ka dib markuu Trump bilaabay inuu afduubo hadallada madaxweynaha Koonfur Afrika.
Kulankaasi oo dhexmaray Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, iyo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, isla markaana horey loo saadaalinayay inuu noqon doono mid kulul ayaa hadal heyn noqday.
Wuxuu ahaa kulan ay labada nin ku loolameen cidda hoggaamineysa hadalka, iyadoo Trump uu rabay inuu hadallada u qalloociyo sida uu isaga rabay, halka madaxweyne Ramaphosa uu doonayay inuu dejiyo xiisadda, wada hadalkana ka dhigo mid ku saabsan arrimaha ganacsiga u dhexeeya Mareykanka iyo Koonfur Afrika, iyadoo 600 shirkadood oo Mareykanka laga leeyahay ay hadda ka hawlgalaan dalka ku yaalla Koonfurta Afrika.
Trump ayaa ka hor shiday Ramaphosa muuqaal video ah oo ku saabsan sheegasho hore loo beeniyay oo ku saabsan ‘xasuuq dadka caddaanka ah’ loogu geysto Koonfur Afrika.
Muuqaalka ayaa laga arkay hoggaamiyaha xisbi ka mid ah kuwa siyaasadda ee Koonfur Afrika oo ku qeylinaya ereyo ay ka mid yihiin “hala dilo Caddaanka Koonfur Afrika ee beeralayda ah”.
Inkasta oo Ramaphosa si cad uga muuqday inuusan raalli ka ahayn weerarka lama filaanka ah, haddana wuxuu muujiyay degganaan intuu socday muranka dhexmaray isaga iyo Trump.
Madaxweyne Ramaphosa ayaa si deggan ugu jawaabay Trump isagoo ku yiri “hadallada ku jira muuqaalka kama tarjumayaan siyaasadda dowladda Koonfur Afrika.”
Markale ayuu Trump sheekada u wareejiyay eedeyn kadib markuu lasoo baxay wargeysyo hore oo uu sheegay inay ku qoran yihiin weeraro iyo dilal loo geystay dadka caddaanka ee Koonfur Afrika.
Madaxweynaha Koonfur Afrika Ramaphosa ayaa dhankiisa ku yiri Trump “waan ka xumahay madaxweyne ma ahaayo diyaarad aan kuu hadiyeeyo” isagoo ula jeeday diyaarad weyn oo dhowaan dowladda Qadar ay siisay maamulka Donald Trump taasoo qiimeheeda lagu sheegay illaa 400 milyan doolar.
Ramaphosa ayaase Trump u hadiyeeyay buug ku saabsan ciyaarta Golf (xeegada) oo uu Trump aad u ciyaaro.
Markii uu shirka jaraa’id iyo kulan casho ahaa uu soo dhammaaday, ayna wafdiga South Afrika ku laabteen hotelkooda, ayuu madaxweyne Ramaphosa wuxuu saxaafadda u sheegay in kulanku uu “si wanaagsan u dhacay.”
Wuxuu hoos u dhigay hadalladii waji gabaxa ahaa ee dhexmaray isaga iyo Trump. Halka Wasiirka Beeraha ee Koonfur Afrika, John Steenhuisen, uu isaguna sheegay in dalkiisu diiradda saarayo la dagaallanka dambiyada ka dhanka ah beeraleyda, balse u baahan yahay maalgashi iyo horumarin dhaqaale.
Madaxweynuhu wuxuu faahfaahin ka bixiyay cashadii ay la qaateen maamulka Trump kadib kulanka, isagoo sheegay in kooxdiisu ay la yeesheen “wadahadal xooggan” iyo “casho aad u wanaagsan,” halkaas oo ay uga hadleen arrimo ay ka mid yihiin golf, ganacsi, iyo maalgeshi.
Dhanka kale, Ramaphosa wuxuu sheegay warbaahinta Koonfur Afrika: “Waxaan ku faraxsanahay in la gaaray heshiis adag oo lagu ballamay inaan sii wadno wadashaqeynta.”
Ramaphosa wuxuu ku adkaystay in booqashadu ahayd “guul weyn”, isagoo intaas ku daray in warbaahinta Koonfur Afrika ay filaysay in uu dhaco dagaal afka ah, balse uu ka xun yahay inay “wax yar ku hungoobeen.”
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu hadda rajeynayo in Trump uu ka soo qaybgalo shir-madaxeedka waddamada warshadaha ku hormaray ee G20 ee ka dhici doona Johannesburg dhamaadka sannadkan.
Laakiin Donald Trump ma caddeynin inuu shirkaasi ka qeyb gali doono iyo in kale.