Muqdisho (KAAB TV) -Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen waxa ay ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha, kadib dood dheer iyo akhrisyo rasmi ah oo lagu sameeyay sharciga oo ilaa seddex akhrin maray.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay kadib codeeyn gacan taag ah oo mudanayaasha ay u qaadeen ansixinta Hindisahaan, waxaana uu sheegay in Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha ee ogol u codeysay 136 xildhibaan, halka ay diideen 4 xildhibaan, wax ka aamusay ma jirin, sidaas ayuu ansax ku noqday hindise sharciyeedkaas.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in sharcigan uu yahay mid muhiim ah maadaama Soomaaliya ay leedahay tiro badan oo barakacayaal ah kuwaas oo u baahan daryeel sharci iyo adeegyo bulsho.
Intaasi kadib Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Saadaad Maxamednuur Caliyow ayaa uga mahadceliyay Mudanayaasha Baarlamaanka sida ay hinsidasahaan u meelmariyeen taa oo muhiim gaar ah u leh Xaquuqda barakacayaasha Soomaaliya.
Hindisahan sharciyeed ayaa la filayaa inuu xoojin doono ilaalinta xuquuqda barakacayaasha gudaha dalka iyo sidoo kale dardargelinta adeegyada lagama maarmaanka u ah noloshooda waxaana Xildhibaanada Golaha Shacabka horgeeysay Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya.