SO | EN

SO | EN

Warbixin: Suuqyada lagu iibiyo arriga oo laga dareemayo saxmad badan iyo sara ukac ku yimid qiimihii arriga

|

Muqdisho (KAAB TV) – Marka ay soo dhowdahay Ciidul Adxaa oo ah mid kamid ah ciidaha Islaamka ciidaha ugu weyn, waxaa Suuqayadda lagu iibiyo arriga, aad qaali uga noqda ama sara ukaca, qiimaha arriga la iibiyo.

Sidoo kale, maalmo kahor ciidda, suuqyada xoolaha waxaa laga dareemaa kacsanaan dhaqaale, qiimayaasha arriga  sare ayey u kacaan iyadoo ay sabab u tahay baahida badan iyo xoolo-dhaqatada oo ka faa’iideysaneysa fursadda, Waxaa sidoo kale jira tartan ganacsi oo u dhexeeya dalaaliinta iyo ganacsatada si ay macaamiisha ugu qanciyaan xoolo tayo fiican leh oo ku habboon in laqalo.

Dhanka kale, Suuqyadu waxay noqdaan meel kulmisa dadyow kala duwan xoolo-dhaqato, ganacsato, iyo iibsadayaal, kuwaas oo dhammaantood isku dayaya in ay helaan xoolo ku habboon, qiimo lagu gorgortami karo, iyo adeeg wanaagsan.

Guud ahaan, suuqa arriga xilliga ciida waa mid dhaqaale ahaan muhiim ah, islamarkaana door weyn ka qaata dhaqaalaha dadka reer miyiga iyo ganacsatada xoolaha.

Mid kamid ah dadka ganacsada arriga oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Xasan Gurey, oo Telefishinka kaab lahadlay ayaa uga warbixiyay xaalada suuqa iyo qiimaha lakala siisto arriga.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News