SO | EN

SO | EN

Madaxda Puntland oo ka hadlay go’aanno laga yaabo inay ka qaataan joojinta tahriibka

|

GAROWE (Kaab TV) – Munaasabadda Ciidul Adxa ee magaalada Garowe ayaa maanta khudbadihii mas’uuliyiintu jeediyeen waxaa aad looga hadlay joojinta tahriibka dhallinyarada ee ka baxaysa deegaanada Puntland.

Labo toddobaad ka hor ayay ahayd markii dhallinyaro gaareysa 20 oo ka baxday deegaanada Puntland ay ku dhinteen xeebaha dalka Spain iyagoo safar halis ah oo tahriib oo dhanka badda ay ku socdeen.

Culimada iyo aqoonyahankii ka hadlay munaasabadda Ciidda ayaa sheegay in dowladdu ay tahay inay wax ka qabato dhibaatada tahriibka, waxaana mas’uuliyiinta amnigu soo jeediyeen in dadweynuhu gacan ka geystaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed ayaa ku baaqay in mas’uuliyiinta dowladda iyo dadweynaha ay wada jir uga shaqeeyaan sidii loojoojin lahaa dhallinyarada dalka ka tahriibeysa, ee safarka halista badan galeysa, kuwaasoo badankood ku dhintaan badaha.

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan (Lugatoor) ayaa sheegay in dowladdu ay ku qasbanaan doonto inay soo saarto go’aanno adag oo ay ku jiraan in aan baasaboor loo soo saarin dhallinyarada da’doodu ka yar tahay 40 jirka.

“Bishii u dambeysay shan jeer bay hay’adaha amniga ee ay khuseyso ka shireen arrinta tahriibka. Way adag tahay, waxayna tagi doontaa in go’aano adag la qaato oo ay ka mid tahay in baasaboor aan loo sameyn qof da’doodiisu ka yar tahay 40 jir,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo munaasabadda Salaadda Ciidul Adxa ka hadlay maanta.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News