Addis Ababa (KAAB TV) –Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa magaalada Addis Ababa ku qaabilay General Michael Langley oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo ay ka wadahadleen arrimaha labada dal iyo kuwa gobolka ee khuseeya danaha labada dal.
“Maanta Addis Ababa, waxaan ku soo dhoweeyey General Michael Langley, Taliyaha AFRICOM, waxaan ka wada hadalnay arrimaha la xiriira xiriirka labada dal iyo welwelka gobolka,” ayuu yiri Abiy.
Dowladda Itoobiya ayaan wax faah faahin dheeraad ah ka bixin kulanka, waxaana uu imaanayaa xilli Mareykanka uu kordhiyay duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ay ka fuliyaan Soomaaliya ee lagu bartilmaameedsado Daacish iyo Al-Shabaab.
Kulankan ayaa daba socday booqasho uu General Langley oo ka mid ahaa wefti sare oo Maraykan ah oo uu hoggaaminayo Ambassador Richard Riley ku yimi Somaliland’s Berbera iyo Hargeysa. Wafdiga ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro) iyo madaxda sare ee dalka.
Kooxda Maraykanka ayaa sidoo kale soo kormeeray dekedda Berbera, iyaga oo qiimeeyay kaabayaasha muhiimka u ah iskaashiga amniga gobolka.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in wada-hadalladan diiradda lagu saaray “Ammaanka la wadaago, danaha badda, iyo iskaashiga difaaca,” iyadoo lagu nuux-nuuxsaday muhiimadda istiraatijiyadeed ee Berbera u leedahay ammaanka marin-biyoodka Bab el-Mandeb.
Ilo-wareedyo dublamaasiyadeed ayaa sheegaya in Maraykanku uu doonayo inuu saldhigyo cusub ka samaysto magaalada Berbera si uu uga hortago khataraha isa soo taraya ee ka imanaya Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo weerarro ku qaaday maraakiibta caalamiga ah ee mara badda cas. Weeraradan ayaa la rumeysan yahay inay taageerto Iran, oo hadda dagaal toos ah kula jirta Israel.
Falanqeeyayaasha ammaanka ayaa ka digaya in haddii Mareykanku uu si toos ah u weeraro Iran, Tehraan iyo xulafadiisa gobolka oo ay ku jiraan Xuuthiyiinta, ay dhici karto in ay ka aargoostaan in la beegsado saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, sida saldhigga Jabuuti, taasoo keeni karta xasilooni darro gobolka.

