DOOLOW (Kaab TV) – Guddoomiyaha degmada Doolow, Maxamed Xuseen Cabdi—oo loo yaqaan “Lafey”—ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si ula kac ah uga shaqeynayso xasilooni-darro iyo hurinta colaado cusub oo ka dhex aloosan gobolka Gedo.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay Kaab TV ayuu Lafey ku sheegay in ciidamada federaalku ay wadaan qorshe ay ku wiiqayaan awoodda dowlad-goboleedka Jubbaland, taas oo khatar gelinaysa nabadda Doolow oo muddo dheer ahayd deegaan deggan.

