Muqdisho (KAAB TV) –Gobolka Gedo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka taagnaa xiisado siyaasadeed oo sii kordhaya, iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhaxeeya maamulka Jubaland iyo dowladda Federaalka. Madaxda federaalka ayaa isku diyaarinaya qabashada doorasho la doonayo in lagu soo magacaabo madaxweynaha cusub ee Jubaland.
Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Gedo ayaa soo dhaweeyay qorshaha doorashada balse waxay ku nuuxnuuxsadeen in gobolka laga ilaaliyo wax kasta oo carqalad gelin kara nabadda iyo xasilloonida. Waxay ku baaqeen in muddadan xasaasiga ah laga ilaaliyo deegaanka colaadaha.
Dowladda Federaalka ayaa horay u cadeysay in ay aqoonsan tahay hoggaanka maamulka Jubaland, waxaana ay carabka ku dhufatay in doorashada soo socota ay u dhici doonto si waafaqsan sharciga.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa si cad uga soo horjeestay tallaabada ay qaaday dowladda federaalka, isagoo ku eedeeyay inay soo abaabushay qorshe lagu wiiqayo maamulka Jubaland. Mucaaradkan ayaa sii kordhiyey xiisadaha siyaasadeed ee gobolka.
Xaalada ayaa weli kacsan iyadoo labada dhinac ay ku baaqayaan wadahadal iyo heshiis lagu xaqiijinayo in si nabad ah oo habsami leh ay uga dhacdo doorashada Gedo.

