SO | EN

SO | EN

Garaad Jaamac Garaad Cali oo caddeeyay mowqifkiisa shirka Laascaanood sheegayna inaan laga tashan

|

Laascaanood (Kaab TV) – Garaadka guud ee beelaha Dhulbahante ee SSC-Khaatumo, Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa sheegay inaan laga tashan shir ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo magaalada Laascaanoof.

Shalay waxaa magaalada Laascaanood gaaray wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Jibriil Xoosh, kaasoo sheegay inuu magaalada u yimid qabashada shir la sheegay in lagu dhameystiraayo maamulka SSC-Khaatumo oo hadda ku kooban deegaanno ka mid ah gobolka Sool.

Maanta oo Jimce ah waxaa shir jaraa’id qabtay Garaad Jaamac Garaad Cali oo sheegay inuusan jirin meel looga tashaday shirka la sheegay inuu ka furmaayo Laascaanood.

Garaadku wuxuu sheegay in la isku ogaa wax laga tashaday in la qabto, isla markaana aanan qasab lagu dayin beesha Warsangali ee gobolka Sanaag.

“Waxaan diidanahay waxa weeye waxaan la isla ogeyn, aan dhameystirneyn, khatar galinaaya wixii dadkan ay lahaayeen, qiimaha faraha badan ugu fadhiyay,” ayuu yiri Garaad Jaamac.

“Shirka maanta Laascaanood la leeyahay waa laga wadaa anigu meel looga tashaday ma ogi,” ayuu sii raaciyay.

Hadalka Garaad Jaamac oo ah oday dhaqameedka ugu sarreeya Dhulbahante ayaa sidoo kale taabtay inay horey u jirtay dibindaabyo lagula kacay dadka reer SSC-Khaatumo, isla markaana hadda uu ka digaayo inaan markale masiirka SSC-Khaatumo god lagu ridin.

Wuxuu u muuqday inuu dhaliilsan yahay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhowaan sababay in xiisad colaadeed ay ka abuuranto gobolka Sanaag ka dib markii wafdi siyaasiyiin iyo ciidamo hubeysan oo la sheegay inay lacag soo siisay Dowladda Federaalka ay gaareen deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag.

Garaadku wuxuu ka digay in faragalin lagu sameeyo beelaha Warsangali ee gobolka Sanaag, isagoo sheegay inaysan u cuntameyn in wixii ay 15 sano ka hor diideen dadka gobolka Sool oo ay kaga hor yimaadeen Somaliland, in maanta lagula kaco reer Sanaag.

“Wixii aan 15 sano ka dagaalamayay oo ahaa talo meel kale la iiga keenay dadkayaga lagu dhaqi maayo, anaguna maanta ma yeeli karno,” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Wuxuu raligalin siiyay beelaha gobolka Sanaag, wuxuuna soo jeediyay inay tahay in marka hore reer SSC-khaatumo ay wada tashi dhexdeeda yeelato, ka dibna gobollada ay doonayaan inay ku biiraan ay wada tashi ula tagaan.

Maamulka Puntland iyo odayaal dhaqamadeedka gobolka Sanaag ayaa ka horjeestay qorshaha gobolka Sanaag qeyb ka mid ah loogu biirinaayo SSC-Khaatumo.

Sanaag waxay hadda ka kala tirsan tahay Puntland iyo Somaliland.

Shirka ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xiisad kulul ka abuuray Sool, Sanaag iyo Puntland ayaa la sheegay in lagu waday inuu furmo 15ka bishan Luulyo oo ku beegan Talaadada soo socota.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News