SO | EN

SO | EN

Wararkii u danbeeyey xaalka Dhahar iyo dagaalkii shalay

|

GAROWE (Kaab TV) – Wararka ugu dambeeya ee ka imaanaya degmada Dhahar ayaa sheegaya in maanta xaalku deggan yahay ka dib dagaal dhimasho sababay oo shalay ka dhacay magaalada.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay iska horimaad ka dhacay duleedka magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, kaasoo dhex maray ciidamada ammaanka Puntland iyo maleeshiyaad deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in afar ka mid ah dadka dhintay ay ka tirsanaayeen ciidamada ammaanka Puntland, halka qofka shanaad uu ka mid ahaa maleeshiyaadkii dagaalka la galay.

Dowladda Puntland ayaa si adag u cambaareysay dagaalkaasi, iyadoo ku eedeysay maleeshiyaadka deegaanka inay sabab u ahaayeen xasaradda, isla markaana ay carqaladeynayaan nabadda iyo xasilloonida gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News