GAROWE (Puntland) – Dowladda Puntland ayaa si cad u sheegtay in gobollada Sool iyo Cayn ay yihiin qeyb buuxda oo ka mid ah maamulka Puntland, iyadoo si rasmi ah u diiday jiritaanka maamulka SSC-Khaatumo, oo dhawaan helay aqoonsi ku-meelgaar ah oo ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa lagu caddeeyey in Puntland ay si buuxda uga masuul tahay gobolladaas, sida ku xusan dastuurka Puntland ee la meel mariyey sanadkii 1998-kii.
Dowladda Puntland waxay xustay inay soo dhaweysay go’aankii Isimada Beesha Dhulbahante ee ka soo baxay magaalada Laascaanood 6-dii February 2023, iyo kaalintii muuqata ee Puntland ka qaadatay dagaalkii dib loogu xoreeyey magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool 25-kii August 2023.
Sidoo kale, Puntland waxay taageertay dadaallada ay hormuudka u yihiin hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Dhulbahante si ay u qabtaan shirar wadatashi ah oo horseeda shirweyne ballaaran oo ay ka qayb galaan dhammaan bulshada Puntland, si looga wada hadlo mustaqbalka siyaasadeed iyo midka maamul ee gobolladaas.

Caddayn Rasmi ah:
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland waxay si cad u bayaanisay qodobadan soo socda:
Sida uu qabo Qodobka 7aad iyo Qodobka 138aad ee Dastuurka Puntland, gobollada Sool iyo Cayn (oo ay degaan Beesha Dhulbahante) iyo guud ahaan beelaha dega, waxay door muhiim ah ku lahaayeen dhismaha Dowladnimada Puntland sanadkii 1998.
Haddii deegaan ama beel ka tirsan Puntland ay doonayaan inay yeeshaan maamul u gaar ah, waa in loo marraa hannaan sharci ah oo ku dhisan wada-tashi buuxa oo lala yeesho beelaha wada dhisay Puntland.
Sidaas darteed, inta laga helayo hannaan sharci ah oo lagu go’aamiyo mustaqbalka deegaankaas, gobollada Sool iyo Cayn waxay si buuxda uga mid yihiin Puntland, sida uu dhigayo dastuurka iyo xeerarka kale ee u yaalla maamulka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland waxay si kulul u cambaareyneysaa faragelinta tooska ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso arrimaha gudaha ee Puntland, taas oo lagu wiiqayo amniga iyo dowladnimada Puntland, islamarkaana caqabad ku ah dagaalka ay Puntland iyo saaxiibadeeda caalamiga ah kula jiraan kooxaha argagixisada sida Daacish iyo Al-Shabaab.
Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa dhammaan shacabka Puntland in ay mideysnaadaan, ilaaliyaan amnigooda, una taagnaadaan difaaca dowladnimadooda.

