MUQDISHO (Kaab TV) – Xaggee ayuu ka baxay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud? – ayaa noqotay su’aasha ugu hadalheynta badan ee toddobaadkii lasoo dhaafay ay is weydiinayaan dadweynaha magaalada Muqdisho.
Hadda waa muddo ka badan hal toddobaad inta aanan madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn warbaahinta bulshada uga soo muuqan jiray aanan lagu arkin meel fagaare ah.
Madaxweynaha ayaa 7dii bishaan Luulyo u safray dalka Masar, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Masar Cabdul Fataax Al-Siisi.
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud intuu Qaahira joogay “kulan kula qaatay qasriga Al-calamayn, dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar Mudane Cabdifataax Al-Sisi.”
Afhayeenku ma bixin faahfaahin kale oo intaa dhaafsiisan.
Boggaga baraha bulshada ee Villa Soomaaliya ayaa Jimcihii 11kii Luulyo ayaa lagu faafiyay sawirro Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan magaalada Ankara ee dalka Turkey, halkaas oo sida lagu qoray boggaga warbaahinta bulshada ee Villada uu kula kulmay madaxweynaha Turkey Erdogan.
Hawlwadeennadii Villa Soomaaliya oo ku soo noqday Muqdisho
Ma jirto cid ka tirsan shaqaalaha madaxtooyada oo uu ku jiro afhayeenka oo safarka Turkey ku wehlisa madaxweynaha.
Ilo wareed ku dhow madaxtooyada ayaa Kaab TV u sheegay in dhammaan hawlwadeennadii Villa Soomaaliya ee madaxweynaha la socday ay dib ugu soo laabteen Muqdisho, iyagoo kasoo safray Qaahira, halka Madaxweyne Xasan Sheekh aanu dalka ku soo laaban.
Markii uu Turkigu gaaray waxaa la sheegay in madaxweynaha ay ku soo hareen xubnaha qoyskiisa oo kaliya, taasoo sii adkeysay helitaanka xog sugan oo ku aaddan socdaalka madaxweynaha ee Turkey.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay si cad afka u furtay isagoo ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay in madaxweynaha muddo aanan la arkin, isla markaana aysan jirin cid war ka heysa.
“Maantadan la joogo madaxweynihii dalkaan waa la baafinayaa. Meel uu jiro lama yaqaano,” ayuu yiri xilshibaanka oo dadweyne kasoo qeybgalay munaasabad ka dhacday Muqdisho la hadlay.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho halka uu joogo madaxweyne Xasan Sheekh illaa hadda.
Walaaca ugu weyn ee ay xildhibaanadda Baarlamaanka qabaan ayaa ah in iyadoo uu jiro dagaal lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo hadda heysata deegaano badan oo ku dhow magaalada Muqdisho, in madaxweynaha la waayo muddo toddobaad ka badan, isagoo ka maqan dalka.

