Muqdisho (KAAB TV) –Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad rasmi ah oo uu xilka kula wareegayay Taliyaha cusub ee Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub, General Marco Manzon
Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayay xilalka kula kala wareegeen General Marco Manzone iyo General Giusseppe Zizzari oo xilkaasi hore u hayay.
Wasiir Fiqi ayaa Taliyaha cusub ee EUTM Somalia ugu hambalyeeyay xilkan cusub ee loo igmaday, isagoo u rajeeyay guul iyo in uu sii xoojiyo iskaashiga dhinaca tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Taliyaha xilka ka degay, General Giusseppe Zizzari, dadaalkii muuqday iyo hoggaamintii ee uu muujiyay intii uu xilka hayay, isagoo door muuqda ka qaatay horumarinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM Somalia) waxaa la bilaabay 7-dii Abriil 2010, iyadoo ujeedkiisu yahay in lagu taageero Dowladda Ku-meel-gaarka ah (TFG) xilligaas lana xoojiyo dhismaha hay’adaha qaranka, gaar ahaan tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

