MUQDISHO (Kaab TV) – Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhimatay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo kaas oo dhexmaray ciidanka Jubaland iyo kuwa taabacsan Cabdirashiid Cabdinuur Janan oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya dhowaan u magacawday Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda ee NISA ee Jubaland.
Dagaalka ayaa ka dhacay magaalada Beledxaawo dhexdeeda, kadib markii ciidanka uu wato Cabdirashiid Janan oo labo diyaaradood oo helicopters ah looga keenay ay magaalada ku soo siqeen.
Ciidamada Jubaland ayaa ugu dambeyn magaalada Beledxaawo si buuxda ula wareegay, halka ciidanka Cabdirashiid Janan ay dib ugu gurteen xerada ciidamada ee loo yaqaano Xero UK.
Goobjoogayaasha ayaa sheegay in dhinacyada ay isku adeegsadeen qoryaha fudud iyo gaadiidka dagaalka.
Jubaland ayaa sheegtay inay qabatay 10 ka mid ah ciidamadii Janan ee laga keenay Muqdisho.
Wasaaradda Warfaafinta Jubaland ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku eedeysay in Dowladda Federaalka ay abaabushay dagaalka Beledxaawo, ka dib markii ay diyaarado deeq ahaan loo siiyay dowladda ay u adeegsatay inay ciidan kaga soo daabusho Muqdisho.
“Jubaland waxay cambaareyneysaa falka foosha xun ee ay ku kacday Villa Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
Halis amni
Magaalada Beledxaawo oo ku taalla soohdinta Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka mid ahayd deegaanada xasiloon ee Gedo. Waxaana ku sugnaa ciidan taabacsan Jubaland, kuwaas oo iskaashi dhanka amniga la lahaa ciidamada amaanka ee Kenya.
Wasaaradda Amaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war saxaafadeed ayaa dagaalka ku eedeysay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
“Waxay dowladdu digniin adag u direysaa maleeshiyaadka uu sida khaldan u adeegsanaayo Axmed Madoobe,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
Maanta oo 24 saac ay kasoo wareegtay dagaalkii shalay ayaa waxaa weli taagan xiisad aad u sarreysa iyadoo dadka shacabka ay muujinayaan walaac ku aadan in dagaalku uu markale qarxi karo.
Ilo xog ogaal ah ayaa Kaab TV in Cabdirashiid iyo ciidan ka badan 200 oo la socda ay ku sugan yihiin xero UK halka ciidamada Jubaland ee shalay kasoo saaray magaalada ay hareeraha ka fadhiyaan.
Xaaladdan ayaa walaac xooggan ku abuurtay dadka deegaanka.
Waxaa jira dad rayid ah oo shalay magaalada uga qaxay dagaalka, waxaana cabsidu tahay in dad kale barakacaan hadduu dagaalka dib u bilawdo.
Dhanka kale Madaxweyne ku Xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, Wasiirka Amniga Jubaland, General Maxamed Darwiish iyo saraakiil ammaan oo Jubaland ka tirsan kuna sugnaa degmada Mandheera ayaa maanta booqday fariisimaha Jubaland ciidankoodu ku sugan yahay.
Waa kuma Cabdirashiid Janan
Cabdirashiid Cabinuur Janan ayaa horey u ahaa Guddoomiyihii degmada Doolow iyo Wasiirkii Amniga Jubaland ka hor intaysan kala tagin.

Waxaa horey loogu eedeeyay dembiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan dilal dad rayid ah oo ay haween ku jiraan, iyo sidoo kale inuu hor istaagay caawimaada bani’aadannimo ee la gaarsiinayo dadka gaajeysan ee barakacayaasha.
Janan waxaa lagu xiray Muqdisho bishii Agoosto 2019, xilligaas oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeysay dembiyo la xiriira xuquuqda aadanaha, hase ahaatee waa lasiidaayay.
Toddobaad ka hor ayaa taliska hay’adda NISA u magacaabay inuu noqdo Taliyaha NISA ee Jubaland.
Jubaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka dhexeeya khilaaf adag oo ka bilawday bedelidda dastuurka federaalka iyo doorashooyinka oo ay Jubaland uga aragti duwan tahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dowladda Federaalka ayaa bilihii lasoo dhaafay wadday abaabulo ciidan oo ay gobolka Gedo uga saareyso Jubaland, si ay halkaasi doorasho uga qabato, taas oo ay hoggaanka Jubaland ka hor yimaadeen.

