SO | EN

SO | EN

Puntland: Markabka hubka waxaa sheegtay ganacsato reer Muqdisho

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Dowladda Puntland ee Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqday in markabkii hubka siday ee toddobaadkii hore lagu qabtay meel u dhow dekedda Boosaaso uu siday agab ciidan oo kaliya.

Puntland waxay sheegtay in hubka iyo qalabka saaran markabka ay sheegteen ganacsato hubka oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, Jaamac Yuusuf Deberaani ayaa shaaciyay arrinkan kuna sheegay war saxaafadeed caawa kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

“Puntland waxay qabatay markabka oo dhowr beri ku sugnaa meel u dhow biyaha dekedda Boosaaso 18kii July. Puntland waxaa lasoo xiriiray ganacsato ku sugan Muqdisho oo sheegtay inay agabka saaran iyagu leeyihiin,” ayuu yiri Jaamac.

Afhayeenku wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay war saxaafadeed maanta ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo ku eedeeyay Puntland inay tahay “burcad badeed” ayna “afduubatay markab badda marayay”.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in markii ciidamada Puntland ay ay qabteen markabka sitay calanka Jasiiradda Comoros, la geeyay dekedda Boosaaso, halkaasna lagu marsiinayo baaritaan.

“Markabka waxa uu sidaa agab militari oo kaliya, oo isugu jira qaar ay leeyihiin ganacsato hubka iyo TurkSom,” ayuu yiri afhayeen Jaamac.

TurkSom ayaa ah xerada ciidanka Turkey ku leeyihiin Muqdisho.

Markabkan oo lagu magacaabo M.V Sea World ayaa lagu qabtay meel u dhow Boosaaso 18kii July, waxaana ciidamada badda ee Puntland ay u kexeeyeen dekedda Boosaaso.

Saraakiisha amaanka Puntland waxay sheegeen inay ka war heleen in hub fudud oo saarnaa markabka ay boobeen dad shacab ah ka hor intii aanay ciidamada Puntland gaarin.

“Puntland waxay dowladda Turkey iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ku soo dhoweyneysaa inay qeyb ka noqdaan baaritaanka socda ee lagu ogaanayo hubka iyo agabka kale ee ciidan ee markabkani uu sido,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Puntland.

Tan iyo markii qeyb ahaan la qafiifiyay cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya bishii December 2023, waxaa cirka isku shareeray hubka sharci darrada ee soo galaya Soomaaliya, kaasoo qaarkiis la rumeysan yahay inuu u gacangalay kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Waxaa dhanka kale sare u kacay colaada ku saleysan qabiilka kuwaasoo dad badan oo shacab ah ku naf waayaan, kumannaan kale ku barakacaan iyadoo hubka sharci darrada ay tahay sababta colaadahan.

Puntland iyo Somaliland – oo hadda ah maamul ka madax-bannaan Soomaaliya – waxay siyaabo kala duwan ugu baaqeen in Qaramada Midoobay dib u soo celiso cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya si loo yareeyo hubka badan ee galaya gacanta kooxaha argagixisada iyo maleshiyaad beeleedyada is diriraya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News