Muqdisho (KAAB TV) – Magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya waa weli ka socota is diiwaagelin xoog taas oo bulshada ay sheegeen dhibaato ay ku tahay .
Waxaa weli wadooyinka magaalada muqdisho ka socota qabqabashada dadka wadooyinka isticmaalaya taas oo si qasab ah lagu diiwaangelinaayo qaar ka mid ah bulshada ku nool magaalada muqdisho ayaa sheegay in ay quus ka taaganyihiin isticmaalka wadooyinka muqdisho.
Mid ka mid ah haweenka ku nool magaalada muqdisho ayaa tiri’ waxaa leygey golka waa leeysoo sawiray waxaan cuno mahaysto waxaan cabana mahaysto cunug curiyaan ah oo weiba agoon ahna waan haaysta mana jirto cid wax ii qabatay ayay sii raacisay.
Haweenka ku nool magaalada muqdisho gaar ahaan kuwa ku nool xerooyinka barakacayaasha ayaa lagu wadaa in lasiinaayo raashin ka dibne waxaa laga geeyaa meelaha qarsoon ee ay ka socdaan isdiiwaangelinta xooga ah.
Hoos ka dhageyso codka mid ah haweenka magaalada muqdisho oo ka hadashay afduubka ay la kulantay.

