Beledxaawo (KAAB TV) -Dagaal ayaa dib uga qarxay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay isku hor fadhiyeen ciidamo ka tirsan Dowladda iyo kuwa Maamulka Jubbaland.
Dadka deegaanka ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in dagaalka uu si gaar ah uga socdo xerada UK oo fariisin ay ku leeyihiin Saraakiisha uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ee ka tirsan Dowladda Federaalka.
Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada ayaa sheegaya in xaalad dagaal ay ka taagan tahay, halkaasi isla markaasna rasaas la maqlayo.
Khasaare ayaa ka dhashay dagaalka maanta, iyada oo weli aan la xaqiijin inta uu la eg yahay. Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya.
Maamulka Jubbaland ayaa maalmihi la soo dhaafay ciidan dheeraad ah geysay Beledxaawo, iyaga oo sheegay in ay xoojinayaan Amniga magaaladaasi.
Cabdirashiid Janan oo ah mas’uulka ugu sarreeya ciidanka ku sugan xerada UK ayaa hore u sheegay in Maamulka Jubbaland weerar ku yahay magaalada Beledxaawo, tillaabadaasina aan la aqbali karin.
Dagaalkii Beledxaawo 22 kii bishaan ka dhacay ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaarey labada dhinac iyo dad rayid ah.

