Puntland oo gacanta kusoo dhigtay askari magaalada Garowe ku dilay 4 qof

|

GARAWE(KAAB TV) – Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay askari eedeysane ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cali, kaasoo shalay weerar geystay dhimasho iyo dhaawac ku qaaday ciidamo boolis ah oo ku guda jiray hawl-maalmeedkooda shaqo.

Ciidamada amniga ayaa askarigaan oo baxsaday markii uu shalay falka geystay kusoo qabtay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Garowe, iyagoo macluumaad  ka helayay dad shacab ah.

Weerarka uu geystay ayaa sababay dhimashada afar qof, oo saddex ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada booliska Dowladda Hoose ee degmada Garowe, halka sidoo kale ay labo askari ku dhaawacmeen falkaas.

Sida ay wararku sheegayaan, Falkaan ayaa dhacay saacado kaddib markii ciidamada canshuur ururinta ay ka xareeyeen gaari Bajaaj ah oo uu eedeysanuhu lahaa, kuna shaqeysan jiray.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali ayaa horey uga tirsanaa ciidamadii kasoo dagaalamay buuraha Calmiskaad, balse dhawaan ciidamada ayaa laga saaray sababo la xiriira anshaxa, gaar ahaan amar diiddo.

Booliska Puntland ayaa sheegay in Cabdiraxmaan hadda ku xiran yahay Xabsiga Dhexe ee Garowe, islamarkaana loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si uu u maro hannaanka sharciga ah.

 

Around The Web

Sponsored
How Long Does $1 Million Last After 60?

How Long Does $1 Million Last After 60?

Get Personalized Mortgage Advice Close to Home

Get Personalized Mortgage Advice Close to Home

8 Reasons Your Car Insurance Rate Changes

8 Reasons Your Car Insurance Rate Changes

Stop Paying Too Much for Your Prescriptions - Compare Prices Today

Stop Paying Too Much for Your Prescriptions – Compare Prices Today

9 Kinds of Ancestors You Could Find on Your Family Tree

9 Kinds of Ancestors You Could Find on Your Family Tree

The Surprising Link Between Your Pillowcase and Aging

The Surprising Link Between Your Pillowcase and Aging

Support Your Neighbors and Get Involved With Food Rescue

Support Your Neighbors and Get Involved With Food Rescue

Unbox a Monthly Surprise of Fun for You and Your Pup!

Unbox a Monthly Surprise of Fun for You and Your Pup!

Is My Space a Good Fit for Airbnb?

Is My Space a Good Fit for Airbnb?

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News