SO | EN

SO | EN

Dagaalka Beled Xaawo: 2 Dhimasho iyo hoobiyaal magaalada lagu garaacay

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Dagaal culus ayaa maanta oo Jimce ah dib uga bilawday magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo halkaas oo Axaddii uu dagaal kale ku dhexmaray ciidan ay dowladda federaalka Soomaaliya ka daabushay Muqdisho iyo kuwa Jubaland oo halkaasi ku sugnaa.

Dagaalkan Jimcaha bilawday ayaa dib u qarxay ka dib markii Dowladda Federaalka ay ciidan hor leh oo ah kuwa Haramcad ee Turkey tababareen ay geysay xerada UK oo ku taala duleedka Beled Xaawo.

Goob joogayaasha ayaa Kaab TV u sheegay in dagaalka maanta ay qaadeen ciidamada Jubaland oo magaalada gacanta ku haya, iyagoo go’doomiyay ciidamada federaalka ee Muqdisho laga keenay.

Waxaa la isu adeegsaday hoobiyaal iyo madaafiic qaarkood magaalada dhexdeeda ku dheceen.

Magaalada Beled Xaawo waxaa ka qaxaya dadka, iyadoo tan iyo Talaadadii [22 July 2025] markii uu dagaalka bilawday ay rayidku u firxanayeen deegaano ka baxsan magaalada.

Jubaland ayaa war saxaafadeed ku cambaareysay weerarka hoobiyaasha ee magaalada lagu qaaday.

Waxay Jubaland sheegtay in labo ruux oo rayid ah ku dhinteen hoobiyaasha maanta.

“Dowladda Jubaland waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka hoobiyeyaasha ah ee maanta lagu qaaday magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, waxaana falkan fuliyay ciidamo ku sugan Xerada UK ee duleedka Magaalada, kuwaas oo uu eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud u adeegsanayo xasuuqa iyo barakicinta dadka shacabka ah,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

“Weerarkan bahalnimada ah waxaa ku geeriyooday laba qof oo shacab ah, kuwaas oo hoobiyayaashu ugu tageen iyagoo guryahooda jooga, iyadoo sidoo kale ay jiraan dad kale oo dhaawacyo soo gaaray.”

Dhanka kale, ciidanka federaalka ee la geeyay Beled Xaawo waxaa horkacaya Cabdirashiid Cabdinuur Janan oo dhowaan loo magacaabay Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA.

Cabdirashiid Janan oo dagaalka hoggaaminaya ayaa ku eedeeyay in ciidanka Jubaland ay soo weerareen dhankooda, ayna iska difaaceen.

“Waxaa nasoo weeraray ciidamo nabad diid ah,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan oo sidoo kale sheegay in hadda isaga iyo ciidankiisa ay ku sugan yihiin Xero UK.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe inuu soo amray weerarka sida uu yiri.

Waxaa sare u kacay xiisadda ka jirta guud ahaan gobolka Gedo, iyadoo khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya uu sare u sii kacay.

Waxaa jira ciidamo iyo maleeshiyaad is urursi ka wada deegaano kale oo gobolka Gedo ka mid ah, iyadoo dadka shacabuna ay ka cabsi qabaan in dagaalka uu ku fidi karo deegaano kale, uuna horseedi karo dhimasho iyo dhaawaca rayidka.

Dhanka kale, dhallinyarada isboosrtiska Beled Xaawo ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ay ku dalbanayaan in dagaalka la joojiyo.

Waxa sheegeen in ay tacsi u dirayaan dadka rayidka iyo ciidamada ku dhintay dagaalka, iyagoo sheegay in hoobiyaasha maanta ay haleeleen guryo rayidka ay ku nool yihiin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News