MUQDISHO (Kaab TV0 – Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay dhowaan isbeddelo ku sameeyeen maleeshiyaadkooda loo yaqaano Jabha (militariga) kuwaas oo fuliya weerarada argagixisanimo ee ay kooxdu ku qaado goobaha muhiimka ah.
Jabha oo ah makeeshiyaad si adag loo tababaro ayaa waxay horey u fuliyeen weeraro ka dhacay furimaha dagaalka sida weerarada xeryaha ciidamada Soomaaliya, kuwa Midowga Afrika, qaar ka mid ah hoteellada Muqdisho iyo xarumaha dowladda.
Waxay kaloo weeraro hubeysan ka geysteen waddamo deriska ah sida Kenya iyo deegaanada soohdinta Itoobiya iyo Soomaaliya.
Xog cusub oo aan helnay ayaa muujineysa in isbeddelada cusub ee ay Al-Shabaab ku sameeyeen Jabha ay ku bedeleen madaxii kooxda Jabha Yaasir Jiis, kaas oo sida la sheegay loo wareejiyay dhanka sirdoonka Al-Shabaab ee loo yaqaano Amniyaatka.
Isbeddeladan waxaa sameeyay Mahad Karate oo magaciisa kale yahay Mahad Cabdiraxmaan Warsame oo ka mid ah xubnaha sare ee Al-Shabaab, ahna xubin Golaha Shuurada Al-Shabaab.
MARINKA BADDA XEEBAHA SANAAG
Sida xogta sheegeyso Yaasir Jiis oo ka soo jeeda Gobolka Galgaduud ee Galmudug ayay kooxdu dhowaan u dirtay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo sida la xaqiijiyay Al-Shabaab ka wadeen dhaqdhaqaaqyo ay isku xirayaan gobollada dhexe iyo xeebaha gobolka Sanaag iyo Bari.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Yaasir Jiis uu dhisayayay unug ka mid ah Amniyaatka oo ka hawlgala gobollada Sool iyo Sanaag, hase yeeshee waxaa la ogaaday in sidoo kale Yaasir Jiis loo xilsaaray adkeynta marin badeedka illaa dhulka ee isku xira Sool, Sanaag oo ay kooxdu soo marsiisato hubka iyo agabka militariga ee ay ka keensato dhanka Yemen illaa iyo koonfurta Soomaaliya.
Marinka Sanaag illaa xeebaha Badda Cas muddo dheerba kooxaha argagixisada way adeegsan jireen, iyagoo soo marsiista hubka iyo dagaalyahannada ajaaniiba ee soo galeysa Soomaaliya.
Marin labaad oo ay Al-Shabaab isticmaali jirtay oo dhanka badda ah ayaa ah xeebaha Xarardheere, halkaas oo la sheegay in wayadan dambe culeysyo ka soo foodsaareen ka dib markii hawlgallada ka dhanka ah la dagaalanka argagixisada ay ku soo bateen isla markaana maleeshiyo beeleedyo Galmudug ay qabsadeen magaalada Xarardheere.
TABABARRADA DRONE
Guddi baarayal ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay qoreen December 2024, waxay ku sheegeen in aad u kordhay xiriirka iskaashi ee dhexmaray Al-Shabaab iyo kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanta Yemen.
Xuutiyiinta waa koox Shiico ah oo ku xiran Iiraan, waxaase horey sirdoonada reer Galbeedku aaminsanayaan inay adag tahay in Al-Shabaabka Soomaaliya ay macaamiil la yeelan karaan koox Shiico ah.
Hase yeeshee waxaa sannadkii hore la xaqiijiyay in heshiis iskaashi uu dhexmaray labada koox oo danahooda ka arkay dagaalka ay ku jiraan inay isku kaashan karaan.
Al-Shabaab ayaa Xuutiyiinta ka rabtay tababarro dhanka qalabka casriga ee dagaalka sida diyaaradaha is-wada (drone) kuwaas oo la rumeysan yahay in kooxdu muddo dheer ay dooneysay inay u adeegsaro qaraxyada.
Dhanka Xuutiyiinta, waxay Shabaab u yihiin suuq ay ka iibiyaan hubka, rasaasta iyo agabyada kale ee sida sharci darrada ay u iibiyaan Xuutiyiinta.
Waxay Al-Shabaab sidoo kale qaadaa weeraro afduubka maraakiibta ee loo qabsado madax-furashada kuwaas oo ay kooxda kula shirkowday kooxo burcad badeed xeebaha Soomaaliya ka hawlgalayay.
Waxaa la rumeysan yahay in malaayiin doolar ay Shabaab ka faa’iideen madax-furashada maraakiibta maraya xeebaha Soomaaliya.
Qaramada Midoobay waxay warbixinteeda February 2025 soo baxday ku sheegtay in kooxdii ugu horreysay ee Shabaabka ah, laguna soo tababaray Yemen ay ku soo laabteen gudaha Soomaaliya intii u dhexeysay June illaa September 2024.
Weli ma cadda baaxadda qalabka iyo tababarrada ay qaateen iyo goorta ay Shabaab dooneyso inay hawlgalis unugeeda is qarxinta drones-ka.
Yaasir Jiis ayaase la rumeysan yahay inuu yahay ninka hawlahan isku dubbaridkooda u qaabilsan kooxda, maadaama uu kalsooni buuxda ka heysto Amiir Mahad Karate.
Waxaa kaloo jira nin lagu magacaabo Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise oo horey uga goostay Al-Shabaab, kuna biiray hay’adda NISA kaasoo markale dib ugu laabtay Al-Shabaab bishii August 2023.
Cabdisataar ayaa heystay tababar dhanka diyaaradaha drones-ka ee Turkey iyo Mareykanka ka wadeen deegaanada Koonfurta Soomaaliya ee lagu beegsanayay hoggaanka Al-Shabaab.
Waxay xoguhu sheegayaan in Cabdisataar uu ka mid yahay xubnaha Al-Shabaab u xilsaartay kooxda u qaabilsan drones-ka ee ay kooxda dhisaneyso.

WAA KUMA YAASIR JIIS?
Yaasir Jiis waxaa lagu qiyaasayaa inuu ku jiro da’da 40meeyada, waxaana uu la dhashay Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad.
Yaasiir Jiis iyo Mahad Salaad waa ilmo adeero ay aabayashood wada dhasheen.
Dowladda Mareykanka ayaa Yaasir Jiis ku dartay liiska kooxaha argagixisada ee cunaqabateynta la saaray bishii October 2022.
Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaana ballanqaaday lacag dhan $5 milyan oo abaalmarin ah ciddii keenta xog lagu qaban karo ama lagu dili karo Yaasir Jiis.

Waxaa jira shaki ku aaddan dalacsiinta heerkaas gaarsiisan ee ay Shabaab u sameeyeen Yaasir Jiis, taasoo ku soo aadeysa xilli hay’adda NISA dib loogu so magacaabay Mahad Salaad oo markale loo magacaabay Agaasimaha NISA, ka dib magacaabis ay sameeyeen Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mahad Karate oo sidoo kale ku jira liiska hoggaamiyaasha argagixisada ayaa xiriir qoys la wadaaga Mahad Salaad. Waxaana sannadkii 2023 Muqdisho laga siidaayay wiil iyo gabar uu abti u yahay Mahad Karate, waxaana siideyntaas fuliyay Mahad Salaad.

