MUQDISHO (Kaab TV) – Dagaal culus ayaa maanta markale dib uga qarxay magaalada Beled Xaawo ee ku taalla soohdinta Kenya iyo Soomaaliya iyadoo dagaalka uu maanta ahaa maalinkii 5aad.
Ciidamada Jubbaland ayaa hareereeyay xerada UK oo ku taalla hareeraha magaalada, halkaas oo ciidamada federaalka ee uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ay ku sugan yihiin.
Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay labada dhinac, iyadoo dagaalku goos goos u noqday galabtii dambe.
Tobanaan rayid ah ayaa ku qasbanaaday inay u cararaan xuduudaha Kenya iyo Itoobiya, iyadoo aysan jirin wax calaamad ah oo ku saabsan joojinta dagaalka labada dhinac.
Waxaa xiran ganacsiga iyo waxbarashada iyadoo isgaarsiinta ay go’an tahay.
Kaab TV ayaa la hadlay wariye maxalli ah.

