MUQDISHO (Kaab TV) – Ciidamo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Cabdinuur Janan oo ay dhowaan dowladda soomaaliya u magacawday hoggaanka nisa ee jubaland ayaa shalay Arbacadii la wareegay magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.
Dagaalkan ayaa waxaa ku nafwaayay dad ka badan 30 ruux iyadoo dhaawacuna uu intaas ka badan yahay, sida ay sheegayaan hawlwadeennada caafimaad ee ku sugan deegaanka.
Dagaalka magaalada Beled Xaawo ayaa billawday toddobaadkii hore markii ciidan uu wato Cabdirashiid Janan oo laga soo diray Muqdisho ay ka degeen magaalada Beledxaawo oo ay horey uga jiray maamul ka tirsan Dowlad Gobolleedka Jubaland.
Ciidamada Cabdirashiid Janan ayaa saldhig ka sameystay xero ciidan oo ku taalla duleedka magaalada, halka ciidanka Jubaland ay hareereeyeen.
Boqollaal qoys oo magaalada deggannaa ayaa isaga qaxay, iyagoo ka firxaday rasaasta iyo hubka culus ee ay dhinacyada isu adeegsanayeen.
Dad ku sugan degmada Mandheera ee Kenya ayaa sheegay in madaafiicda ay is weydaarsanayeen labada dhinac ay ku dhacday guryo ku yaalla xaafado ka tirsan Mandheera, iyadoo dadka ka barakacay Beledxaawo ay hadda ku sugan yihiin Mandheera.
Mas’uuliyiin Jubaland ah oo ay ku jiraan Madaxweyne ku Xigeenka Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Amniga General Darwiish ayaa ku sugan degmada Mandheera.
Beled Xaawo ayaa ah degmo ku taalla xuduudda Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ay ka mid ahayd magaalooyinka xasilan ee gobollada koonfurta Soomaaliya, inkastoo kooxda Al-Shabaab oo hareeraha ka jooga degmadan ay mararka qaar ka geystaan weeraro argagixiso.
Cabdirashiid Janan
Cabdirashiid Janan waxaa horey loogu eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, sida ay qoreen hay’adaha xuquuqda aadanaha sida Amnesty International iyo Guddi Qaramada Midoobay.

Waxaa ku jira eedeymaha loo jeediyay dilalka dad rayid ah, hor istaagidda gargaarka bani’aadannimo iyo carqaladeynta nabadda.
Waxaa xusid mudan in dowladda Soomaaliya sannadkii 2019 ay xirtay Cabdirashiid Janan, balse uu ka baxsaday xabsi guri la galiyay, sida uu isagu sheegay mar dambe.
Janan ayaa horey u ahaa Guddoomiyihii degmada Doolow iyo Wasiirkii Amniga Jubaland ka hor intaysan kala tagin.
Dagaalada Beledxaawo iyo Doolow
Ciidamada Jubaland ayaa sidoo kale dagaal la galay ciidan ka tirsan kuwa NISA ee dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Doolow maalinkii Axadda, kaas oo sababay in ciidamada Jubaland ay ugu dambeyn ku gacan sarreeyeen dagaalka Doolow.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay ciidamada Itoobiya ee ku sugan Doolow inay dagaalka ka qeyb qaateen.
Ciidamada Itoobiya kama jawaabin eedeyntan.

Maamulka Jubaland weli kama hadlin qabsashada Cabdirashiid Janan ee Beledxaawo, waxaase wararka Kaab TV uu helayo ay sheegayaan in ciidamada Jubaland ee magaalada ka baxay ay wadaan is urursi, ayna jirto cabsi la xiriirta in dagaal uu markale ka qarxi karo degmada Beledxaawo.
Maxay salka ku heysaa colaaddan?
Colaadda ka taagan Gedo waxay ka bilaabatay ka dib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diiday dib u doorashadii Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe ee bishii Novembar 2024.
Dowladda Federaalka ayaa ka dib bilawday inay ciidamo u daabusho gobolka Gedo si ay uga goyso Jubaland, ugana hirgaliso maamul dhankeeda taabacsan.
Jubaland ayaa dhankeeda falkaasi kaga hortagtay ciidamo, waxaana jiray isku dhacyo dhowr jeer labada dhinac ku dhexmaray magaalooyinka Baardheere, Garbahaarey iyo Doolow oo ku taalla xuduudda Itoobiya.
Degmada Beled Xaawo ee xuduudda Kenya ayaa ah meeshii ugu dambeysay ee ay colaaddan gaarto.

