Puntland oo maamul goboleedka cusub ee Waqooyi Bari ku tilmaantay inuu khatar ku yahay xasilloonida gobolka

|

GARAWE(KAAB TV) -Maamul-goboleedka Puntland ayaa si weyn uga biyo diiday maamul-goboleedka Waqooyi-Bari ee dhawaan la dhisay, iyagoo sheegay inay ka taliyaan gobollada Waqooyiga Soomaaliya ee Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, C/risaaq Axmed Maxamed (Qaraaje), ayaa ku tilmaamay maamulka cusub inuu yahay mashruuc siyaasadeed oo gaaban oo la doonayo in fidno laga dhex abuuro beelaha dhaqan ahaan u midoobay difaaca deegaanadooda.

“Waa wax laga xumaado in la isku dayo in la iska horkeeno beelo si wada jir ah u difaacay dhulkooda si looga hortago caqabadaha guud, waxaan si dhow ula socon doonaa howlaha maamulkan ee laga dhisay Laascaanood, gobolka Sanaag waligeed ma aysan xukumin maamul dibadda ka yimid,” Qaraaje ayaa sidaas yiri xilli uu shir-guddoominayay Garoowe.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Puntland ay horay u aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo duruufo dagaal oo waagaas ka jiray, balse hadda ay u aragto ka soo ifbaxa Waqooyi Bari mid si toos ah uga soo horjeeda midnimada Puntland.

Qaraaje ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay isku dayeyso in ay dalka kala qeybiso, iyadoo dhiirigelineysa kala qeybsanaanta gobollada, isagoo ka digay in tilaabooyinkaas ay halis u yihiin hurinta colaad ka dhex dhacda shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo siyaasiyiinta ku bahoobay maamulka cusub ay ku dhawaaqeen inay socdaalo ku tagayaan Sanaag iyo Buuhoodle si ay hawlahooda maamul ugu kordhiyaan deegaanadaasi, taasoo muujineysa xiisadaha ka taagan gobolada Waqooyi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News